Hambalyo: Aroos farxad leh oo ka dhacay St. Gallen.

HOOS KA EEG SAWIRO KALE

Halkaan ka akhri

Waxaa Maalmihii Sabtida iyo Axadda ahayd bisha Aprilna ku beegnayd 09/10keeda Sanadka 2011ka waxaa magaalada San Gallen ka dhacay AROOS ay ka soo wada qayb galeen dhammaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku kala nool Kantoonada Wadanka Switzerland

Xafladda Arooskan ayaa dadkii isugu yimaaday waxay ku tilmaameen inuu ahaa kii ugu dad badnaa oo lagu qabto dalkan Switzerland.

Haddaba dhammaan ka qayb galayaasha gaar ahaan Akhyaarta , Odayaasha iyo Culumada oo horseedaya Sheikh Axmed Falastiin ayaa waxaa ugu  horreyntii halkaas wacyi gelin Diini ah  ee la xiriirta guurka iyo Furitaanka u jeediyey dhallinyaradii iyo waalidiintii isugu timid xafladdii faraxda lahayd.

Hase ahaatee waxaa halkaas loogu duceeyey lamaanihii farxaddaas loo sameynayey, waxaana ilaah looga baryay inay aqal-galkooda ka dhigo bash bash barwaaqo iyo Ubad waxtar u leh Diintooda, dadkooda iyo dalkooda uu Alleen uu siiyo, kana dhigo labadii isku waarta. AAMIIN AAMIIN AAMIIM

Munaasabadda Arooska farxad leh, awgeed waxaa Bahda Warbaahinta wadanka Switzerland oo ugu horreeya Web Masterka Yuusuf Axmed Garabay iyo Maamulka Shabaka SomaliSwiss iyo Radio Somalia Dr, Axmed Dhicisow iyo Mustaf Bashiir Gobdon waxay halkaan hambalyo u dirayaan Ehelada iyo waalidiinta Ubaxyada is Aroosaya.

Sidoo kale Bahda Warbaahinta wadanka Switzerland waxay si gaar ah ugu hambalyeynayaan Arooska iyo Aroosada Axmed Xuseen Xasan iyo Maryam C/llaahi Ibraahim oo arooskooda ka dhacay maalmihii Sabtida iyo Axadda  09/10.04.2011, kana dhaceay magaalada San Gallen ee wadanka Switzerland.

Maamulka Shabakada SomaliSwiss waxaa soo gaaraya hambalyooyin iyo boogaadin aad u fara badan oo ka imaanaya dhammaan Kantoonada dalkan Switzerland, balse aannu Magacyadooda aan ku soo qori karin, maadaama tirada dadkii inoo soo diray tahniyada aay aad u badan yihiin.

SomaliSwiss Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: