Wiil dhalinyaro ah oo rasaas ku furay xarun ganacsi oo ku taala galbeedka dalka Nederland.

Halkaan ka akhri

Qalabka Warbaahinada dalka Nederlands ayaa faafiyey  in wiil dhalinyaro ah uu rasaas ku furay xarun ganacsi oo ku taala galbeedka dalkaas isagoo dilay 6 qof 15 kalana dhawaacay ka hor inta uusan is dilin.

Dhacdadan ayaa shalay ka dhacday magaalada Alphen Aan den Rijn oo 21 KM u jirta koonfur galbeed xarunta dalkaas ee Amesderdam, hase ahaatee Wakaaladaha wararka ee Holland ayaa sheegay in wiilka falkaasi geestay oo 24 sano jir ah laguna magacaaba Tristan Fan der Falis uu kamid ahaa arday wax ka baraneysay naadi barashada toogashada.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa goobta uu rasaasta ku furay xarun ganacsi oo ku taala galbeedka dalkaas oo ay  ka dukaameysanayay dad aad u tira badan maadama lagu jiro fasaxa isbuuca, balse  Warbaahinada dalka Nederlands ayaa sheegay in wiil dhalinyaro ah uu halkaas ku dilay 6 qof, 15 kalana dhawaacay ka hor inta uusan is dilin..

Kity Nawi oo  ka mid ah dacwad oogayaasha dalka Holland ayaa sheegtay in wiilka weerarka geestay uu farriin ku dhaafay gurigiisa isagoo sheegay in xarumo badan oo kale oo ganacsi ah ay ku aaseen waxyaabo qarxo, waxey intaasi ku dartay in Ristan Fander Falis uu boorasadiisa ku sitay saddex qori oo kale marka laag reebo qoriga uu adeegsaday ee uu dadka ku laayay.

Sidoo kale Dowladda Holland ayaa waxey maanta sheegtay in ay wadaan baaritaano ay ku xaqiijinayaan in ay wax ka jiran hadalka uu wiilku ku qoray farriinta uu ku dhaafay gurigiisa ee ah in waxyaabaha qarxa ay ku rakibeen goobo kale oo ganacsi ah, waxeyna sdoo kale tilmaameen in ay baarayaan dad xiriir la lahaa wilka gestay weerarka ee isdilay, dadkana waxey ugu baaqeen in ay fejignaan muujiyaan.

SomaliSwiss Amsterdam

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: