Abuu Mansuur Al-Amriiki oo soo diray fariin Cajalada ah oo uu ku beeninayo dilkiisa.

Halkaan ka akhri

Cumar xamaami  oo ah Muwaadin Amerikaan ah dalka Soomaaliyana looga yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriiki ayaa soo diray fariin Cajalad ah oo uu ku beeninayo Dilkiisa.

Fariintan Cajalka ah oo lagu soo bandhigay shabakada AlQimah oo badanaa faafisa hadalada iyo dacayaadaha AlQaacida iyo Al-Shabaab, taas oo ka hadleysay beeninta dilkiisa iyo sidoo kale hanjabaadyo.

Wasaarada Gaashaandhiga ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in Cumar Xamaami oo loo yaqaan  Abuu Mansuur Al-Amriiki uu ku dhintay dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Cajaladan oo ku bilaabanaysay anaashiid ayaa waxaa uu ku amaanayay Jihaadka isagoo illaah ka baryay in uu  ku dhinto jidkii ay ku dhinteen hogaamiyaalkii ururka AlQaacida ka tirsanaa.

Abuu Mansuur Al-Amriiki ayaa waxaa uu fariintiisa ku codsanayay oo yiri (iisoo dira Duruus sidii macalim Aadan Xaashi Cayro, iisoo dira tanan Banbaanooyin ah  sidii Abuu mascab Alzarqaawi, ama diyaaradaha wax duqeeya sidii Abuu Liis Aliibi  ama ciidamo gaar ah sidii Saalax cali Nabhaan  aniga laba mid
uun baan raadinayaa inaan noqdo shahiid ama inaan guuleysto)

Abuu Mansuur Al-Amriiki oo ah muwaadin Amerikan ah ayaa galay diinta Islaamka, kadib waxaa uu sanadii 2006-dii u duulay dalka Soomaaliya halkaas oo uu ku biiray xarakada Al-Shabaab oo uu ka yahay taliha Milateriga ee Al-Shabaab.

Abuu mansuur Al-Amriiki ayaa kamid ah 14 qof oo ay dowlada Maraykanka kusoo rogtay denbi ah in ay taageereen Alqaacidada Soomaaliya oo ah Al-Shabaab.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: