Madaxweyne Sheikh Shariif oo kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka Uganda

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Wafdigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah Shariif Sheikh Axmed oo shalay u kictimay magaalada Kampala ee wadanka Uganda, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kampala ku soo dhoweeyay saraakiil uu hor kacayay General Odongo Jeje oo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda Sayid Axmed Sheekh Daahir iyo madax kale.

Wafdigii uu hoggaaminayey Madaxweyne Shariif ee gaaray wadanka Uganda waxaa ka mid ahaa: Wasiirka Boostaha iyo Isgaarsiinta C/Kariim Xasan Jaamac iyo Wasiirka Dhallinyarada, Isboortiga, shaqada iyo shaqaalaha Md. C/Nuur Macallim Maxamed, iyadoona wafdiga Madaxweynaha si heer sare loo soo dhoweeyay isla markaana la dejiyay goobo horay loogu sii diyaariyay.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa wuxuu kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Yuweri Musaveni, waxaana kulankaasi la sheegayaa inay labada madaxweyne uga hadleen xiriirka labada dal, sidii ay isaga kaashan ammaanka labada wadan iyo arrimo kale.

Sidoo kale labada Madaxweyne waxay kaloo ka wadahadleen sidii loo soo afjari lahaa kooxaha Al-Shabaab iyo ururka Al-Qaacida ee iyagu dhibaatada ka wada dalalka geeska Afrika, gaar ahaan dalka Soomaaliya, isla markaana Dowladda Uganda ay kordhiso doorkeeda ku aadan xasilinta dalka Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa lagu soo warramayaa in Madaxweynaha uu la kulmi doono masuuliyiin sar sare ee katirsan wasaarada armiha dibadda iyo wasaarada gaashandhiga ee Ugandha.

Hase yeeshee waxaa la filiyaa in Madaxweynaha iyo wafdigiisu ay u sii gudbi doono dalka Burundi oo halkaas u tegi doono howlo shaqo oo quseeyo amniga dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Kampala

SomaliSwiss@hotamail.com

%d bloggers like this: