Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo la sheegay inuu ku horeeyo cod-bixintii la tiriyay…

Halkaan ka akhri

War goor dhoweyd naga soo gaaray magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in natiijooyin horu dhac ah oo ka soo baxay doorashadii ka dhacday shalay ayaa muujineysa in Madaxweynaha xilka haya Ismaaciil Cumar Geelle uu ku horeeyo cododka la tiriyay, inkastoo aanu Gudiga doorashooyinka wali shaaca ka qaadan.

Sidoo kale waxaa Maanta la filayaa in si rasmi ah loo shaaciyo natiijada doorashada, hase ahaatee waxaa la helayaa warar horu dhac ah oo ku aadan doorashada, iyadoo %75 uu ku horeeyo Madaxweyne Geelle cododka ilaa iyo haatan la tiriyay.

Dhanka kale waxaa musharaxa kale ee la tartamayey Madaxweyne Geelle ayaa la sheegay inuu aad uga hooseyo cododka uu ka helaayo xisaabinta dadka codbixiyey, waxaana la sheegay inuu isna heysto 23%, balse waxaa wali la sugayaa ku dhawaaqista natiijada kama dambeysta ah.

Waxaa lagu soo warramayaa in Magaalada Jabuuti ay soo gaarsiiyay sanaadiiq fara badan oo ahaa kuwii loogu codeeyay, kuwaas oo laga keenay Gobolada uu dalkaas uu leeyahay ee Codbixinta ay ka dhacday.

Hase yeeshee waxaa la sheegaya in Kormeerayaasha Caalamiga ah ay gelinka dambe ee maanta ay ka warbixin doonaan qaabka ay u dhacday doorashada, iyagoo kor kala socday sida wax u socdeen.

Si kasta ha ahaatee Ifafaalaha soo ifbaxaya ayaa muujineysa in Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle uu markii 3-aad uu noqonayo Madaxweynaha dalka Jabuuti, kaasoo xilka sii heynaya shanta sano ee soo socota.

SomaliSwiss Jabuuti

SomaliSwiss@hotamail.com

%d bloggers like this: