Hay’adda Qaxootiga (UNHCR) oo sheegtay in dad badan ay ka qaxeen dagaaladii ka dhacay gobolada Geddo iyo Jubada Hoose

Halkaan ka akhri

Hay’adda qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in dadkii ugu badnaa oo dad rayid ah ay ka qaxeen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada koofureed ee Soomaaliya.

Adrian Edwards oo ah Afhayeen u hadlay Hay’adda UNHCR ayaa u sheegay warbaahinta in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolada Gedo iyo jubbadda hoose ay ku barakaceen dad ka badan (33,000 Sodon iyo Sadex kun) oo ruux oo rayid ah kuwaasoo ay haatan heystaan dhibaatooyin adag oo xagga nolosha ah.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in lixdii todobaad ee la soo dhaafay ay ka qaxeen deegaanada Doolow, Buulo xaawo, Luuq, Ceel waaq, Dhoobley iyo Diif dad badan oo shacab ah kuwaasoo naftooda kala cararay dagaaladii u dhaxeeyay ciidamo ka kala tirsan Al-Shabab iyo dawlada.

Sidoo kale Mr Adrian Edwards wuxuu sheegay in in dadkaasi ay ka gudbeen xadka Kenya iyagoona haatan qaarkood la sheegay inay ku sugan yihiin xeryaha qaxootiga ee dalkaasi, waxaana uu ugu baaqay dhinacyada Soomaaliya isku haya inay bad baadiyaan shacabka aan dagaalada ku lugta laheyn.

Dhanka kale Afhayeenku waxaa uu tilmaamay in dadkii ka qaxay gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ay heystaan dhibaatooyin kala duwan oo xagga nolosha ah, qaramadda Midoobay hay’adaheeda kala duwan ayaa dhawr jeer shaaciyay in dadkii ka qaxay gobolada koofurta Soomaaliya ku yaala ay heystaan dhibaatooyin adag oo xagga nolosha ah.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotamail.com

%d bloggers like this: