Wafdi uu hogaaminayay madaxweyne Sheikh Shariif oo ka dhoofay Muqdisho, iyadoo Ra’isal wasaare Farmaajo uu dib usoo laabtay.

Halkaan ka akhri

Wafdi uu hogaaminayay madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dhoofay, iyagoona u kictimay magaalada Kambala ee dalka Uganda.

Booqashada madaxweynaha iyo wadigiisa ee dalaka Uganda ayaa la sheegay in ay la xariirto in ay madaxweynaha dalkaasi ka wada hadli doonaan arimo ay kamid yihiin amaanka iyo siyaasada xiligan ee dalka Soomaaliya.

C/qaadir Macalin Nuur oo ah wasiiru dowlaha madaxtooyada ayaa waxaa uu saxaafada u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu Martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Ugandha.

Dhinaca kale madaxweyne Sheikh Shariif ayaa marki uu gaaray magaalada Kamballa waxaa uu kulan la qaatay madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni.

Madaxweyneyaasha ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya iyo sidii labada dal ay iskaga kaashan lahaayeen waxka qabashada dhinaca amniga dalka Soomaaliya iyo sidii loo soo afjeri lahaa kooxda Al-Shabaab ee gacan saarka laleh kooxda Al-Qa’eda.

Dhinaca kale waxaa maanta magaalada Muqdisho ku soo laabtay ra’isal wasaaraha xukuumada KMG  Soomaaliya oo isagu magaalada Nairobi kulumo kula soo qaatay masuuliyiinta dalka Kenya oo ay kamid yihiin ra’isal wasaare Raila Odinga iyo wakiilka QM. u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: