Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo gaaray Yurub.

Halkaan ka akhri

Ugu yaraan 2 ka tirsan Saraakiisha sar sare ee xarakada Al-Shabaab ayaa la xaqiijiyay in ay soo gaareen dalka Greeg (Greece) kadib markii ay qaab xeeladaysan usoo farsamaysteen fiisooyin dal ku gal ah oo la sheegay i nay lacag adag uga soo iibsadeen Ganacsade Soomaaliyeed oo dullaal ah , isla markaana  deggan dalka Greek.

Saraakiishan oo la sheegay in ay sidoo kale la socdaan ugu yaraan 5 dagaal yahan oo kale ayaa dhammaan dalka Greek ku galay fiisooyin Ganacsi, sida ay sheegayaan warar kala duwan oo laga helayo jaaliyadda Soomaalida ee Greek oo ka welwelsan imaanshaha nimankaas, waxaana sidoo kale warka ku saabsan saraakiishaan faafinaya qaar ka mid ah shabakadaha warfaafinta Soomaalida ee u dhuun daloola dhaq dhaqaaqyada ururka xarakada Al-Shabaab.

Qaar kamid ah xubnaha Jaaliyadda Soomaalida Greek ayaa SomaliSwiss u sheegay in saraakiishan oo ka soo dhoofay dalka Sudan intooda badan ay haatan degan yihiin Hoteel ku yaal banaanka magaalada Athens, halka 2 kale ay ku sugan yihiin guryo shacab oo midkood la sheegay inuu degan yahay dullaalyadii fiisooyinka ka soo iibiyay oo lagu tilmaamay inay isku dhow yihiin.

Ganacsadaha u fududeeyay saraakiishan in ay soo galaan Yurub  oo  34 jir ah ayaa  xilligii awooddii maxkamadaha Soomaaliya wuxuu ganacsi ku lahaa degmada Buur-Hakaba,  isagoo si rasmi ah uga mid noqday Maxkamadihii Islaamka dhammaadkii 2005, hase yeeshee markii awoodoodii la wiiqay ayuu kasoo tegay dalka Soomaaliya, isagoo si qarda jeex ah kusoo galay dalka Greek oo uu hadda degan yahay, sida ay SomaliSwiss ugu xog warammeen qaar ka tirsan jaaliyadda Soomaalida Greek oo aad uga caraysnaa, imaanshiyaha saraakiisha Al-Shabaab iyo ganacsadahaas u sahlay.

Wixii warar dheeraad ah ee soo kordha, kala soco SomaliSwiss oo isha ku haysa  xiisad dhiillo xambaarsan oo ay muujinayaan Jaaliyadda Soomaalida dalka Greek oo aad uga walaacsan saamaynta ay ku yeelan doonto imaanshiyaha nimankaas ee dalka Greece.

SomaliSwiss Athens

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: