Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo taageeray go’aanka Ra’isal wasaaraha ee ahaa in QM ay u soo guurto Soomaaliya.

Halkaan ka akhri


Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Waljameeca ayaa taageeray go’aanka R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu dalka muddo 90-cisho ugu yeeray Hey’adaha Qaramada Midoobey inay ku yimaadaan, iyadoo Culimada tallaabadaas ku tilmaamay mid loo baahnaa.

Sidoo kale Bayaanka ka soo baxay Culimada maanta oo jimco ah ayaa waxaa la caddeeyey in Culimadu ay soo dhoweynayaan baaqaas, waxayna sheegay in wax badan ka tareyso howlaha samafal ee gudaha dalka soomaaliya, oo xilligan ka jiraan abaaro iyo dhibaatooyin xun ee la xiriira nolosha dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Culimada waxay sheegeen maadaama Hey’adaha qaramada midoobey ay u xil saaran yihiin howlaha loo igmaday, isla markaana howshooda tahay Soomaaliya inay muhiim tahay in dalka si toos ugu howl galaan, si gar gaarka bani’aadanimo uu u joogtoobo.

Hase yeeshee waxay Culumaa’udiinka sheegeen in gobolada dalka ay ka jiraan dhibaatooyin abaareed iyo macluul daran oo dadka iyo duunyada ay si guud u saameeyeen, waxaana ay tilmaameen in Hey’adaha loo baahan yahay in iyagoo ku sugan gudaha dalka ay gar gaaraan, bedelkii iyagoo meel ka baxsan soomaaliya ay gar gaar waqti qaata gaarsiin lahaayeen.

Culimada ayaa sheegay in xilligan Hey’adaha samafalka ay ka howl geli karaan gudaha dalka, maadaama qeybo ka mid ah gobolada iyo Caasimada Muqdisho laga xoreeyay kuwa diidan nabadda, waxayna xuseen in ammaankooda ay balan qaadayaan ciidamada qaranka oo guulo weyn ka soo hoyay howl galada iyo sugida ammaanka.

Si kasta ha ahaatee bayaanka Culimada ayaa lagu soo hadal qaaday in goobihii ay qabsadeen ciidamada dowladda ee gobolada dalka, in ay dib ugu soo laabteen dadkii ka barakacay, isla markaana dadkaas ay u baahan yihiin in la gar gaaro.

SomaliSwiss    Muadisho

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: