Xiisad dagaal oo maanta laga soo sheegayo in ay ka jirto duleedka magaalada Baladweyne.

Halkaan ka akhri

Duleedyada Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa laga soo sheegayaa in maanta ay ka jirto Xiisad dagaal, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan Maleeshiyaadka deegaanka oo taabacsan dowladda KMG, kuwaas oo doonaya in weeraro ay ku qaadaan magaalada.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab oo wata Gaadiidka dagaalka ay xalay ka baxeen Magaalada Beledweyn, kuwaasoo u jiheystay dhanka deegaanka Ceel-Gaal iyo kalabeyr inta u dhaxeysa oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda.

Dhanka kale Xarakada Al-Shabaabka ayaa la sheegayaa in dhanka waqooyi ee Magaaladaas ay ka baxeen xalay, isla markaana weerar ku ah Ciidamada Dowladda ee ku sugan duleedyada Magaalada Beledweyn.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xatta Ciidamada Dowladda ay doonayaan inay soo weeraraan Magaalada Beledweyn, hase ahaatee Al-Shabaabka ay doonayaan in ay ka hortagaan.

Sida laga warqabo in mudooyinkii la soo dhaafay ay ka dhacayeen duleedyada Magaalada dagaalo soo noq-noqda, iyadoo isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in lagu qabsado Beledweyne uu fashilmay, kadib markii Al-Shabaab ay ka hortageen qorshayaashaas.

SomaliSwiss    Beledweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: