HAB CUSUB OO KORONTO LAGU DHALIYO OO DUNIDA KU SOO KORDHAY.

Halkaan ka akhri

Seynisyahanada machadka Massachusetts Institute of Technology ayaa soo saaray aalad u shaqeysa sida geedka caleenta uu iftiinka qoraxda iyo biyaha uga sameysto awood.

Cilmi baarayaasha machadka Massachusetts ayaa ka sheegay arrinkan kulan ay isugu yimaadeen Amercian Chemical Society oo ka dhacay California. Daniel Nocera oo ah Professor ku taqaususay cilimiga chemsitry-ga kana tirsan machadka Massachusetts ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibadiisa ay ka heleen fakarkan sida ay caleenta u shaqeyso

‘Qaraxda marka ay timaado waxay dhufataa caleenta si dhaqso ah ayeyna ileyska qoraxda u qaadataa kaddibna ka sameysataa dab aan xarko wadin’ ayuu yiri Prof Nocera.

Habka ay dhirta u isticmaasho ileyska qoraxda si ay cunadeeda uga sameysato ayaa awoodda qoraxda waxay u qeybisaa molikiyuulada biyaha Hydrogen iyo Oxygen. Heydrogenka ayaa la falgala Carbon Dioxide si u sameeyo sokor iyo shidaalka muhiimka u ah korista dhirta. Laabka Nocer ayaa lagu ogaaday in seynisyahanadan ay ka minguuriyeen daahfurkan cusub sida hab kimikaal socodka aaladda Silicon qaabkeeda iyo xajimigeeda oo laga yareysiiyay xoogaa yar.

Aaladan ayaa waxaa ku dahaaran macdanaha Nickel iyo Cobalt oo marka ay biyaha la falgalaan kordhiya jawaabtooda iyadoo Heydrogenka dib ula falgasha Oxgenka si ay u quudiso unugyada una sameystaan awood waxayna cilmi baaristan daba socotaa mid hore  loo sameeyay.

Nocera waxa uu sheegay in caleentan macmalka ah ay isticmaaleyso walxo qiimahooda yar yahay oo ka waxtarbadan tii hore loo soo saaray, wuxuu kaloo sheegay Nicera inay adag tahay oo kaliya sida loo ururinaayo loona keydin lahaa gaaska ka imaanaya macdanta siliconka ilaa inta looga baahanaayo awoodda dabka inkastoo weli falkeeda lagu jiro taas.

Daahfurkan cusub ayaa lagu ogaaday in aaladdan ay shaqeyneyso ilaa iyo 45 saacadood iyadoo aanan lumin wax dab ah waxayna ku shaqeyneysaa nooc kasta oo biyaha taas oo u fududeyneysa dadka joogaa meelaha aan laga helin biyaha nadiifka ah inay isticmaalaan maadama ay ku shaqeyso nooc kasta oo biyo ah.

Nocera ayaa rumeysan in ay faad’ido weyn u tahay dadka dhaqaalahooda uu hooseeya ee ku nool dalalka soo koraaya wuxuu kaloo sheegay inay ujeedka tahay in guri kasta uu yeesho saldhigooda koronto ee u gaarka ah isagoo sidoo kale saadaaliyay in gacancsiga caleenta macamalka ah uu suuyqada imaan doono 3da sano ee soo socota.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: