Wafdi Wasiiro ah oo booqday deegaanadii laga qabsaday Al-Shabaab ee G/Jubooyinka & Gedo.

Halkaan ka akhri

Wasiiro iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ee uu horkacayey Wasiirka maaliyada Xuseen Cabdi Xalane ayaa waxay socdaal booqasho ah ku tageen deegaanadii dhawaan laga qabsaday Al-Shabaab ee gobolka Gedo.

Wafdigan waxaa goobihii ay tageen ku soo dhaweeyey saraakiil iyo ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu hor kacayey taliyaha ciidanka deegaanka Dhoobleey dhawaan qabsaday Col. Cabdi Cabdulaahi Irik ” Kululi”.

Sidoo kale Xubnaha dowladda ee booqday qaar ka mid ah G/Jubooyinka iyo Gedo ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka maaliyada iyo lacagta Xuseen Cabdi Xalane , wasiir kuxigeenka wasaarada gaashaandhiga Cabdirashiid Maxamed Cabdi “Xidig”, wasiiru dowladaha bada, dekedaha iyo Gaadiidka Cabdirashiid Xaaji Deerow, taliyihii hore ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen. Cali Maxamed Xasan Looyaan “Cali Madoobe” iyo Gen,Yusuf Cismaan Dhuumaal oo isaga mar ahaan jiray Taliyaha Ciidanka xooga dalka Somaliyeed.

Wafdigan ayaa waxay soo booqdeen degmooyinka Doolow, Baledxaawo, Ceelwaaq Mandheera iyo Dhoobley.

Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane oo la hadlayey dadweynihii iyo ciidankii ku soo dhaweeyey goobihii ay socdaalka ku tageen ayaa si weyn uga mahadceliyey guusha ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo ay uga qabsadeen deegaano dhowr ah oo ka wada tirsan Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: