R/wasaarihii hore Ingiriiska oo sheegay in xoogag ka tirsan Al-Qacida oo ku sugnaa Soomaaliya ay haatan u socdaaleen Yemen & Libya

Halkaan ka akhri

Gorden Brown oo ahaan jiray R/wasaarihii hore dalka Ingiriiska ayaa wuxuu wareysi siiyey  Wakaaladda Wararka ee AP, wuxuuna sheegay in xoogag ka tirsan dagaalyahanada Al-Qacida oo ku sugnaa wadanka Soomaaliya ay haatan bilaabeen inay u socdaalaan wadamada Yemen iyo Libya oo ay xilligaan ka jiraan dagaalo.

Sidoo kale Gorden Brown wuxuu sheegay in dhawrkii sano ee la soo dhaafay ay Soomaaliya tagayeen dagaalyahano daacad u ah ururka Al-Qacida waxaana uu sheegay in dagaalyahanadaasi ay ka garab dagaalami jireen Xarakadda Al-Shabab oo si weyn ula dagaalama dawlada Soomaaliya iyo ciidamada Midawga Africa ee AMISOM, hase ahaatee baryahan  danbe ay bilaabeen inay Soomaaliya ka baxaan oo ay u soo dhaqaaqaan dhanka wadamada Yemen iyo Libya si ay uaga faa’ideystaan dagaalada lagu diidan yahay xukuumadaha ka jira wadamadaasi.

Dhanka kale  Gorden Brown waxaa uu sheegay inay jiraan tilaabooyin muujinaya in Al-Qacida ay dagaalyahanadeeda kala soo baxayso Soomaaliya oo ay u dirayso wadamada Yemen iyo Libya si ay uga qeyb qaataan dagaaladda wadamadasi ka jira waxaana uu intaa ku daray arrintaani timid kadib kadib markii ay wadamadaasi ka bilawdeen dagaalo u dhaxeeya madaxda dawladaha Yemen iyo Libya iyo dad sameynaya mudaharaadyo ay ku diidan yihiin Madaxda wadamadaas oo muddada dheer xoogga ku haystay.

Gorden Brown waxaa uu sidoo kale sheegay in Al-Qacida ay si weyn ugu lug leedahay dagaalada ka jira wadamada Soomaaliya, Yemen iyo Libya.

Hase yeeshee Dhawaan ayay aheyd markii Al-Qacida waqooyiga Africa ay sheegteen inay iyagu ka dagaalamaan gudaha Libya isla markaana ay doonayaan inay saldhig ka sameystaan.

Sida ay rumeysan yihiin Madaxda wadamada reer galbeedka oo ay dhawr jeer sheegeen  in Soomaaliya ay joogaan dagaalyahano aan Soomaali aheyn oo Al-Qacida ka tirsan kuwaas oo ka garab dagaalama Dhaq dhaqaaqa Xarakada Al-Shabab.

SomaliSwiss   London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: