Ra’isal wasaare Maxamed Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayay oo u kicitimay magaalada Nairobi.

Halkaan ka akhri

Wafdi balaran oo uu hogaaminayo Ra’isal wasaare Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta ka amba baxaay magalada muqdisho, kaasoo kusii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Warar Hoose oo aanu ka helnay Xafiska ra’isal wasaaraha ayaa sheegaya in safarkiisa uu yimid, kadib marki xubno kamid ah Beesha Caalamka ay xiriir la soo sameeyeen si lo dhex dhexaadiyo ra’isal wasaraha iyo Wakilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Augostine Mahiga oo ayagu maalmahan hadalo kulul isku dhaafsanayay warbahinta.

Waxaa jiray khilaaf weyn oo soo kala dhexgalaay dowladda KMG iyo Wakilka Qaramada Midobay, waxaana sal u ahaa khilaafkaasi, Shir ay Qaramada Midoobay ku qabanayso Wadanka Kenya, kaas oo loogu magac daray Shirka wada tashiga Soomaalida.

Qaramada Midobay ayaa shirkaas  ku marti qaaday madaxda Maamul Goboleedyada ka jira wadanka Soomaaliya iyo Culumada Ahlu Sunna Waljameeca.

Xukumada KMG Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeesatay shirkaasi, waxaana ay ku shegtan in u yahay Shirqool lo maleegayo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale waxaa markii ugu horeysay ka hadlay shirka Nairobi, Gudomiye ku-xigeenka Gudiga Fulinta ee Ahlu Sunna Sh. Maxamed Aw-Libaax, isagoona shaaca ka qaday in Ahlu Sunna ay si buxdo uga qayb galayso Shirka Nairobi, waxaa uu intaasi ku daray hadii shirkaas ay ka soo baxaan wax dan u ah bulshada Soomaaliyeed ay tageri doonaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: