Ra’isal Wasaare Maxamed C/llaahi (Farmaajo) oo shuruud ku xiray ka qeyb gelka shirka wada tashiga ee Nairobi.

Halkaan ka akhri

Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Maxamed C/llaahi (Farmaajo) ayaa shuruud ku xiray ka qeyb gelkiisa shirka wada tashiga ee magaalada Nairobi ka dhici doono 12-13 bishan, wuxuuna sheegay inXukuumadda ay  mowqifkeeda ay cad tahay, sidii ay go’aanka uga qaateen dhowaan.

Ra’iisul-Wasaare  Maxamed C/llaahi (Farmaajo) oo ka hadlayay Telefishinka qaranka oo dhowaan hawada soo galay ayuu wuxuu cadeeyay in Dowladda KMG ay diyaar u tahay in shirkaas ka qeyb gasho, hadii loo soo raro meel ka mid ah gudaha Soomaaliya, isla markaana ay garwadeen ka noqonayso.

Ra’iisul-Wasaare Farmaajo oo si aan leex leexad laheyn u hadlayey wuxuu yiri: “Anaga mowqifkeena waa cad yahay, shirkaas waxaan ka qeyb galeynaa, hadii gudaha dalka loo soo raro, Dowladda ay garwadeena ka noqonayso”.

Sidoo kale Ra’iisul-Wasaare Farmaajo wuxuu sheegay in muhiimada ay tahay in dalabkooda la tixgeliyo, maadaama shirar horay dibada lagu soo qabtay aan waxba ka soo naasacadaan, isagoo xusay in dhinacyada wada hadlaya ay yihiin Soomaali, isku af iyo isku diin ah, una baahaneyn in loo kala turjumo.

Hase yeeshee  Ra’iisul-Wasaare  Maxamed C/llaahi (Farmaajo) wuxuu caddeeyey inaysan ogeyn waxa ka soo bixi kara shirkaas, balse uu shegay haddii shirka ay garwadeen ka noqodaan ay og yihiin waxa ka soo baxaya wuxuuna intaa uu sii raaciyay in Soomaaliya aayaheeda tahay in shirku lagu qabto gudaha dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Mr Farmaajo ayaa muujiyay in mowqifka Xukuumadiisa ka qaadatay shirkaas uu wali taagan yahay, kadib markii shalay Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya Amp. Mahiga uu ku celiyay in shirka uu dhacayo bishan.

Si kasta ha ahaatee waxaa jira in qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay muujinayaan sida ay u xiiseynayaan ka qeyb galka shirkaas, gaar ahaan Maamul goboleedyada cusub oo taageerayshirkaas, sheegayna inay ka qeyb galayaan, sidoo kale ilaa haatan waxaa mowqifkooda caddeeyey Kooxda Ahlusuna ee fadhigeeda yahay Dhuusa Mareeb iyo Maamulka Galmudug oo labaduba sheegeen inay ka qeyb galayaan shirkaas.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: