Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxday khasaaraihii ka dhashay Qaraxii ka dhacay bartamaha magaalada Hargeysa.

Halkaan ka akhri

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-Jeex ee Maamul Goboleedka Somaliland Md. Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey khasaaraha uu ka dhashay Qaraxan, waxana uu  sheegay in ay dhaawacu marayo 11 qof.

Nin la sheegay in Xiskiisu dhiman yahay, ayaa saaka Bambo-gacmeed la beegsaday Suuq ay dadku ku badan yihiin oo ku yaala magaalada Hargeisa, waxaana arrintaa ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarje).

Suuqa bartamaha Hargeisa, gaar ahaan xerada lagu iibiyo dallagga dalka ee Haruurka, Galleyda iyo raashinka kale ee dalka laga beero, ayuu ninkani la beegsaday Bambo kuwa gacanta laga tuuro ah.

Sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Gobolku sheegay in dadkaasi ku dhaawacmay dhacdani ay soo gaareen dhaawacyo isugu jira kuwo culus siyo qaar fududba, isla markaana dhamaantood lagu daweynayo Xarunta Cisbitaaalka Guud ee Magaalada Hargeysa. “Saaka ayaa Qarax uu ka dhacay Fooqa Geelle Arab ee agagaarka Xero-Haruudha ee Magaaalada Hargeysa, waxa Qaraxaasi qarxiyey Nin waalan.

Dadka dhaawaca ah ilaa hadda waxa cusbatalka guud ee Hargeisa la keenay 11 qof, dhakhaatiirtuna si weyn ayey ugu hawlan tahay Gargaarka ay u fidinayaan dadkaasi,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waa Masiibo kolay nin Xis-kiisu dhiman yahay ayey ka qaraxday, dhaawaxyada Dadkaasina kuwo culus iyo qaar fuduba wey isugu jiraan, dadkaasi 11 ah ilaa 4 ayaa haween ah.”

Sida lagu soo warramaya Goobtii ay dhibaatadu ka dhacday ayaa gaareen Weriyayaal fara badan, si ay ugu helaan warar dheeraa ah oo qaraxaasi ku saabsan, ayaan loo ogolaan in ay galaan gudaha Cusbatalka, hase ahaatee, waxa halkaa warbaahinta kula hadlay qof ka mid ah dadkii goobjooga ahaa markii uu qaraxaasi dhacay, “Saaka ilaa abaaro 09:30 ayaa uu nin waalan oo sita miino, nooca loo yaqaan F1 oo meesha marayaa ayaa caruuri ka xanaajisay, dabadeedna miinadii uu sitay  uu ku qarxiyey meel barxad  ah, balse waxaa nasiib wanaag ah Qaraxaasi ma ahayn mid weyn, hase ahaatee waxa uu dhibta ku keenay, uu lahaa burburka weyn ee Miinada.

Dhanka kale Maamul Dowladeedka Somaliland ilaa iyo iminka wax hadal ah kama soo saarin shilalka iyo qaraxyada waxyeelada ka soo gaareysa dadka rayidka ah, kuwaasi oo iyagu maalmihii ugu dambeeyay sii kordhayay.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: