Wafdi ka socda Hay’adda WFP oo kulamo la qaatay Maamulada Puntland iyo Gal-Mudug.

Add an ImageHalkaan ka akhri

Wafdi ka socda hey’adda cunada ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa waxay kulamo la qaateen maamulka Gal-Mudug, ka dib markii ay socdaal ku tageen  magaalada Gaalkacyo iyo Garoowe.

Ugu horreynti wafdiga ka socda WFP wuxuu magaalada Gaalkacayo Kulan kula qaatay mas’uuliyiin uu hogaaminayo M/weynaha maamulka Gal-Mudug, waxayna ka wada hadleen sidii loo daryeeli lahaa dadka abaaruhu ku dhifteen.

Kulankan ayaa si aad ah looga hadlay xaaladaha abaaraha ee wali ka taagan deegaano badan, iyadoo labada dhinac ay isla eegeen qaabka ugu haboon ee wax looga qaban karo xaaladahaas.

Saacado ka dib Wafdiga wuxuu u dhaqaaqay dhanka magaalada Garoowe ka dib markii uu dhamaaday shirka magaalada Gaalkacyo ay kula yeesheey maamulka Gal-Mudug.

Sidoo kale Magaalada Garoowe waxaa wafdiga ka socda WFP ku qaabilay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, waxayna ka wada hadleen xaaladaha abaaraha iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay waxyeelaysay abaartu.

Wafdigan ka socda WFP ayaa dib ugu laabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ka dib markii ay dhamaystay kulamadii ay la qaateen maamulada Gal-Mudug iyo Puntland.

Somaliswiss Gaal/Garoowe

SomaliSwss@hotmail.com

%d bloggers like this: