Ra’isal wasaare Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo Beesha Caalamka u cadeeyey in Burcad badeeda aan looga adkaan karin badda gudahadeeda.


Halkaan ka akhri

Ra’iisul-wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wuxuu maanta beesha caalamka u sheegay in kooxaha burcad badeeda aan loo adkaan Karin badda gudahadeeda, balse marka hore loo baahan yahay  in  laga cirib-tiro berriga.

Ra’iisul wasaare Max’ed C/laahi  Max’ed Farmaajo oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in burcad badeeda Soomaalida aan lagula dagaalami Karin dhinaca badda xitaa haddii la keeno xeebaha Soomaaliya Kumanaan Maraakiibta dagaalka oo ciidamadooda u dhan yihiin.

Sidoo kale Ra’iisul-wasaare Farmaajo wuxuu caddeeyey in burcad badeeda ay ku xoogan yihiin dhinaca berriga, islamarkaana loo baahan yahay in lagula dagaalamo berriga, balse beesha Caalamka ugu baaqay in dowladda KMG laga gacan siiyo la dagaalanka burcad badeeda Sooomaalida.

Hase yeeshee Ra’iisul-wasaaruhu wuxuu sheegay in Caalamka ay u gurmadeen Afganistaan hase ahaatee ay Soomaaliya ka gaabiyeen, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya iyo Afganistaan ay yihiin isku cudur, dowladda ka jirta Afganistaana ay tahay dowlad tabaryar loona gurmaday.

Dhanka kale waxaa bilahan danbe Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ay sii laba laabeen weerarada ka dhanka ah maraakiibta isticmaaleysa biyaha Soomaaliya iyo meel ka fogba, waxaana xeebaha Soomaaliya ku sugan maraakiib nuuca dagaalka ah oo ay leeyihiin wadamada reer Galbeedka, kuwaasi oo la dagaalamaya falalka burcad badeeda Soomaalida ay ka geysanayaan biyaha badda Cadmeed iyo badweynta India ee Soomaaliya xeebaheeda ka mid ah.

Somaliswiss Muqdisho

SomaliSwss@hotmail.com

%d bloggers like this: