Hay‘adda qaxootiga UNHCR oo sheegtay in Badda u dhaxeeya Libya iyo Talyaaniga lagu la’yahay 400 qof oo tahriibayaal African ah.

Halkaan ka akhri

Hay‘adda qaxootiga Caalamiga ah ee UNHCR ayaa sheegtay in biyaha u dhaxeeya Libya iyo Talyaniga lagu la’ yahay in ka badan 400 qof oo tahriibayaal African ah oo ay Soomaali ku jiraan kuwaasoo doontyo ka raacay dalka Libya waxayna ku sii jeedeen wadanka Talyaaniga.

Andrej Mahecic oo ah Afhayeenka Hay‘adda qaxootiga Caalamiga ah ee UNHCR  oo wareysi siisay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in sadex maalmood ka hor ay ka war heleen in labo doonyood oo ay la socdeen 400 qof oo tahriibyaal ah oo ay Soomaali ku jiraan ay ka tageen xeebaha dalka Libya hase ahaatee lagu la’yahay biyaha u dhaxeeya Libya iyo Taliyaaniga.

Afhayeenka Hay’adda Qaxootiga UNHCR Andrej Mahecic waxay sheegtay in xeebaha dalka Libya laga helay meydadka 10 qof ah oo sida la sheegay 3 ka mid ah ay Soomaali yihiin waxayna uu intaa ku dartay in dadka la ‘ayahay ay u dhasheen wadamada Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea.

Dhinaca kale Wakaalada Wararka dalka Taliyaaniga ee ANSA ayaa sheegtay in 68 qof meydadkooda laga helay meel u dhaw xeebaha Jaziiradda Lampadusa ee wadanka Talyaaniga waxaana warku xusay inay jiraan dad kale oo willi la  la’yahay.

Si kasta ha ahaatee Tiro badan oo tahriibayaal African ah ayaa maalmihi ugu dambeeyay si aad ah ugu qul-qulayay xeebaha wadanka Taliyaaniga, kuwaas oo doonyo ka raacay xeebaha wadanka Libya, waxayna naftooda ku biimeeyaan biyaha badda u dhaxeysa Libya iyo Taliyaaniga.

Somaliswiss Lampadusa

SomaliSwss@hotmail.com

%d bloggers like this: