Ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni ee qabsaday degmada Dhoobley oo billaabay howlgal miino bixin ah.

Halkaan ka akhri

Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Raaskambooni ee qabsaday Degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose ayaa billaabay howlgal miino bixin ah, waxaana lagu soo warramayaa in Ciidamo isku dhaf ah ay howlgallo ballaaran ka fuliyeen gudaha iyo daafaha degmadaas.

Howlgaladaasi oo la sheegay inay lahaayeen laba weji, waxaana Wejiga koowaad uu ahaa in ciidamo isku dhaf ah ay baaritaano ka bilaabeen waddooyinka soo gala magaalada Dhoobley, waxayna halkaasi ay ka bixiyeen miinooyin lagu aasay dhammaanba waddooyinka soo gela ama ka baxa degmadaasi.

Wejiga laabaad ee  howlgaladaasi uu ahaa in Ciidamada Isku dhafka ah ay  ku sameeyaan baaritaano guud ahaan amniga degmada Dhoobley, waxayna gacanta ku dhigeen inta ay howlgalkaas ay wadeen gaadiid dagaal, saanado milateri iyo agab ciidan oo xarakada Al-Shabaab halkaasi uga carareen.

Sidoo kale Sarkaal u hadlay ciidamada qabsaday degmada Dhoobley ayaa sheegay in howlgalada ay ka sameeyeen degmadaasi uu ahaa mid ay ku xoojinayaan amniga degaanka oo dhowaan ay xoog ugala wareegeen xarakada Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay dadkii halkaasi ka barakacay ay u diyaariyeen sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen magaalada, balse uu sheegay in howlgaladooda ay ku guuleysteen isagoo caddeeyay inay sii wadayaan howlgaladooda.

Hase yeeshee waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada isku dhafka ah ay fariisimo ka sameystay daafaha degmada Dhoobley, iyadoo meel aan sidaasi uga fogeyn ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan xarakada Al-Shabaab, waxayna halkaas ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo abaabullo ay ugu diyaar garoobayaan sidii ay mar kale duullaan ugu qaadi lahaayeen ciidamadii qabsaday degmada Dhoobley waxaana la sheegayaa in ciidamo gurmad ah iyo gawaarida dagaalka ku sii qulqulayaan aaga hore ee degaanada ku dhow degmada Dhoobley.

Somaliswiss Dhoobley

SomaliSwss@hotmail.com

%d bloggers like this: