Wasiirka warfaafinta oo faah-faahiyey go’aankii ay dowladda Soomaaliya ku diiday ka qayb gelidda shir wada tashiga Soomaalida.

Halkaan ka akhri

Wasiirka warfaafinta, Boostaha iyo isgaarsiinta mudane Cabdikiriin Axmed Jaamac  ee Xukuumada KMG Soomaaliya oo ka hadlayey Rodio Muqdisho ayaa sheegay in go’aankii ay dowladda Soomaaliya ku diiday inay ka qayb gesho shir sheegay wada tashiga Soomaalida oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Nairobi uusan saameyn ku Wasiirka warfaafinta Boostaha iyo isgaarsiinta yeelan doonin xiriirkii saaxiibtinimo oo ay dowladda Soomaaliya la lahayd beesha caalamka.

Sidoo kale Wasiirka warfaafinta, Boostaha iyo isgaarsiinta oo ka hadlay arrintaas ayaa sheegay in ay Soomaaliya tahay dal xor ah oo umadax bannaan go’aamadiisa iyo ka talinta aayaha ummaddiisa, sidaa darteedna ay tahay in aragtidooda lagu ixtiraamo.

Wasiirku wuxuu ka rajeeyay Beesha caalamka in arrintaas aysan saameynin xiriirka wanaagsan oo ay la leeyihiin xukuumaddii ugu tayada badnayd ee dalka Soomaaliya soo martay.

Hase yeeshee hadalka wasiirka ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli ay QM soo jeedisay in shir wada tashi lagu qabto magaalada Nairobi, waana arrinta ay dowlada KMG ah gebe ahaanba ay gaashaanka u duruurtay, iyadoo aan loo kala harin, laga soo billaabo min Madaxweynahadowladda KMG ah, golaha shacabka iyo Golaha Wasiirada, ay markii ugu horreysay Golayaasha qaranka Soomaaliya ay qaateen hal go’aan, inkastoo haddana khilaafyo dastuuri ay  jiraan, balse haatan ay muujiyeen awoodda dowladda Soomaliya u leedahay go’aan ka qaadashada wax kasta oo ay u arkayso inay wax u dhimayaan madax-banaanida dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: