Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Warar Saakay naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dagaalo culus ay xalay ka dhaceen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, dagaaladaas oo  bar bar socday madaafiic culus oo ay is weydaarsanayeen dhinacyada iska soo horjeeda.

Dagaalka xoogiisa ayaa la sheegay inuu ka dhacay nawaxaiga guriga shaqaalaha iyo inta u dhaxaysa Isgoyska Dabka iyo Bakaaraha oo ay fariisimo Milatari ku leeyihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya, waxaana dagaalkii xalay weerar soo qaaday  ciidamada Xarakada Al Shabaab.

Xoogaga Alshabaab ayaa xalay si aan horay loo arag ugu soo dhowaaday fariisimaha Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, kuwaasoo ay ka mid yihiin Gurigii Shaqaalaha iyo Xaafadaha Taleex.

Sidoo kale Wararka ka soo baxaya dagaalkaas ayaa sheegaya in dagaalkii xalay ay ku dhinteen ilaa saddex qof oo rayid ah, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo wiifto ku haleeshay xaafadaha xeyndaabka dowladda.

Dagaalkii xalay marka laga soo tago khasaaraha uu geystay, hadana dadka qaar ayaa moodaya in dushooda lagu kor dagaalamayay, maadaama sawaxanka hubka iyo rasaasta ay ahaayeen kuwo culus.

Hase yeeshee ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada dowladda, AMISOM iyo Shabaab oo ku aadan dagaladaasi balse sida la xaqiijiyey dagaalkii xalay ayaa wuxuu ahaa mid dhinacyadii dagaalamayey ay isku adeesadeen Madaafiic cul-culus oo ku dhacaysay goobo ka baxsan halka ay ku dagalaamayeen Ciidamada dowladda, AMISOM iyo Shabaab.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: