Madaxweyne Sharif Sh. Axmed oo maanta xariga ka jaray xarunta Telefishinka Qaranka Soomaliyeed.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sheikh Sharif Sheikh Axmed ayaa maanta xariga ka jiray  xarunta Telefishinka Qaranka Soomaliyeed oo dib loo furay labaatan sano kadib.

Sidoo kale waxaa Munasabad si aad ah loo soo agaasimay ka dhacday xarunta Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya waxaa Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ku soo dhaweeyey Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdikariim Xassan Jaamac oo ku guuleystay inn uu hawada dib ugu soo celiyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo xaflada munaasabaddaas ka soo qayb galay  Ra’iisul Wasaaraha Ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabdixakiim Xaaji Fiqi, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan Faara x.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sariif Sh. Axmed ayaa ugu horreyntii ugu hambalyeeyay Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta iyo dhamaan shaqaalaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed iyo Radio Muqdisho.

Ugu danbeyntii wuxuu Madaxweynaha uu kula dardaarmayMas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta in ay ka shaqeeyaan midnimada, qaranimada, si ay horumar ugu horseedaan ummada Soomaliyeed.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: