Shariif Xasan oo lagu eedeeyey Qiyaano Qaran, Keli talisnimo, Xil gudasho la’aan iyo Arrimo kale.

Halkaan ka akhri

Sida la sheegaya waxaa magaalada Muqdisho ka socda Barnaamijyo iyo dhaqdhaqaaqyo ay sameynayaan Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka oo ay ku doonayaan inay xilka guddoomiyenimada Baarlamaanka ay uga qaadaan Shariif Xasan Sh. Aadan waxaana la filayaa in fadhiga ugu horeeya ee ay isugu imaanayaan Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka KMG ah, la soo hor dhigi doono mooshin la xiriira xil ka qaadista Guddoomiyaha.

Dhanka kale waxaa lagu soo warramay inay soo ifbaxday, kaddib markii magaalada Muqdisho ay kulamo kala duwan ku yeesheen qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka oo tiradoodu gaareyso ilaa 200-Xildhibaan, kuwaasi oo Saxaafadda uga warbixinayay ujeedada shirkooda ayaa waxay ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah inuu ku dhaqaaqay howlo aanu kala tashan Baarlamaanka  uu Guddoomiyaha u yahay, waxayna Xildhibaanadu tilmaameen inuu si la tashi la’aan ah uu ku magacaabay guddiyada Baarlamaanka.

Waxaa kaloo ay Xildhibaanada Baarlamaankaku Eedeyeen in Shariif Xasan oo ku adkeysanaya inuu ka qeyb galo shirka QM ka qabanqaabineyso magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo Golayaasha xukuumadda KMG ah si cad uga horjeesteen.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa sheegay in Shariif Xasan uu yahay keligii taliye oo  doonaya inuu keligii matalo Golaha Baarlamaanka, waxayna ku eedeeyeen inuu isku dayayo sidii uu ku burburin lahaa Golaha Baarlamaanka, isla markaana arrintaasi heshiisyo kula soo galay madaxda dalal aan magacyadooda la sheegin.

Hase yeeshee Xildhibaanada tiradoodu kor u sii dhaafeyso 200-xubnood, ayaa ololahooda taageero uga helay Mudanayaal kale oo fara badan, kuwaasi oo doonaya in fadhiga ugu horeeya ee Golaha Baarlamaanka ay yeelanayaan inay hor dhigaan mooshin xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo dembiyada ay ku eedeynayaan ugu weyn yihiin qiyaano Qaran, Keli talisnimo, xil gudasho la’aan iyo arrimo kale.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: