Degmada Dhoobley oo maanta degan, balse uu ka jiro dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ballaaran.

Halkaan ka akhri

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Dhoobley ayaa sheegaya in Ciidamo fara badan oo isugu jira labada dhinac ay ka tallaabeen halkaas, kuwaasoo labo jiho kala qabtay, iyadoo xalay la soo sheegay in Dhoobley soo gaareen Ciidamo iyo Saraakiil labada dhinac ah.

Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Raaskambooni oo xalay ku hoyday degmada Dhoobley ayaa wada dhaq dhaqaaqyo ballaaran oo wada jir ah duulaano ugu qaadayaan deegaano ka tirsan Jubooyinka oo ay Xarakada Al-Shabaabka ku sugan yihiin.

Sida lagu soo warramay Xaalada degmada Dhoobley ayaa ah mid saaka degan, balse haddana waxaa jira saan saan dagaal oo xoog leh oo ku wajahan deegaanada kale ee Jubooyinka, iyadoo saraakiisha Dowladda ay sheegeen in tallaabada labaad ee Dhoobley xigta ay tahay dhanka Afmadow.

Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in Xarakada Al-Shabaab ay wadaan diyaar garow dagaal aad u ballaaran, si ay mar kale weerar rogaal celin ugu qaadaan Dhoobley oo ah deegaan muhiim u ah isu socodka inta badan deegaanada Jubooyinka, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa Magaalada Kismaayo oo ah xarunta Jubada Hoose.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Ciidamadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee shalay lagala wareegay Dhoobley ay hadda ku sugan deegaanka la yiraahdo Taabto iyo qooqaani, halkaas oo abaabul ka wadaan, hase ahaatee waxaa jira gurmadyo ku soo qul qulaya, degmada Afmadow.

Si kasta ha ahaatee dagaalkii shalay ka dhacay Dhoobley oo bilow u ahaa duulaanada ku wajahan Jubooyinka ayaa waxaa isku garabsanaya dhinacyo kala duwan oo qorshe iyo ujeedooyin gaar ah ka wada leh deegaanada Jubooyinka, hase yeeshee waxay diiradu  saaran tahay magaala madaxda G/jubbda Hoose ee Kismaayo oo ah halka loo wada ordayo, maadaama ay tahay magaaloo istiraatiiji ah.

SomaliSwiss Dhoobley

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: