Advertisements

Ciidamada Badda ee wadanka Holland oo khasaare u geysteen Burcad badeed Soomaali ah.

Halkaan ka akhri

Ciidamada Mariiniska Badda ee dalka Holland ayaa waxaa weerar ay ku qaadeen kooxha burcad badeeda Soomaalida, waxaana weerarkaas khasaare dhimasho ah uga geysteen qaar ka mid ah kooxahaasi, tiro kalena ay gacanta ku dhigeen.

Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Holland  ayaa  sheegtay, in Ciidamada Badda ee dalka Holland ay toogteen labo ka mid ah kooxaha burcad badeeda Soomaalida halka ay gacanta ku dhigeen 6-kale kadib howlgal ay ku soo bad baadinayeen Doon Kaluumaysi oo  laga leeyahay dalka Iraan taasi oo ku sugneyd Xeebaha dalka Soomaaliya.

War ay soo saartay Wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaasi ayaa waxa lagu sheegay in labadaasi burcad badeeda Soomaalida ah ay ku dhinteen rasaasta ay is weedaarsadeen ciidamada Mariiniska ee dowladda Holland.

Haweynay Afhayeen u ah Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaasi Marloes Visser ayaa waxaa ay sheegtay in kooxaha kale ee gacanta ay ku hayaan Ciidamada Badda ee wadanka Holland ay su’aalo lagu kor waydiinayo Markabka dushiisa.

Hase yeeshee Doonta ay Ciidamada badda ee Wadanka  Holland  ka bad baadiyeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa lagu magacaabaa HMS-Tromp taasi oo ay saarnaayeen Kaluumaysato u dhashay dalka Iran oo tiradoodu gaaraysay ilaa 6-ruux.

SomaliSwiss HAGUE

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: