Roobab lagu diirsaday oo farxad weyn geliyay dadka ku dhaqan gobollada dalka Soomaaliya oo da’ay.

Halkaan ka akhri

War wanaagsan oo kheyr badan oo ka imaanayo qaar ka mid Gobollada dalka Soomaaliya, sida wararku ay  naga soo gaarayaan in gobolada Hiiraan iyo qaar ka tirsan degmooyin gobolada Jubbooyinka ay ka da’ay roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ku dhaqan goboladaasi.

Sidoo ale  waxaa lagu soo warramayaa in habeen hore roobabka xoog badan  ay ka da’een magaalada B/Xaawo, kaas oo ay ku geeriyooday haweeney ka mid ah dadka degaanka, kaddib markii ay ku dul dhacday biriq xoog leh.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in roobabka ay burburiyeen guryo iyo dhismayaal ku yaala degaanka, hase yeeshee sida dadka degaanka ay sheegayaan roobabkaasi ayaa degaanka qaboojiyay, halkaas oo ay ka jirtay abaar aad u xun oo dadka iyo duunyaduba ku habsatay.

Waxaa kaloo wararka kheyrka ah kamid ah in saddex degmo oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ay ka da’ay roobab socday muddo saacado ah, kuwaasi oo dadka iyo duunyada ay ku qabowsadeen raxmadda Alle, mana jirto wax khasaare ah oo roobabkaasi ay u geysteen dadka iyo xoolaha halkaasi ku dhaqan.

Sida caadada ah waxaa lagu wadaa in bisha April bartamaheeda iyo aakhirkeedaba inay ka da’aan roobab xoog leh guud ahaan dalka Soomaliya, hase yeeshee waxaa cabsi xoog badan ay soo wajahday barakacayaasha ku sugan gobolada dalka iyo gaar ahaan kuwa ku barakacay daafaha magaalada Muqdisho, iyagoo ka welwelsan halka ay uga gabanayaan roobabka iyo qabowga dhacaya xilliyada habeenka, maadaama inta badan qoysaskaasi ay degan yihiin guryo cooshado ka sameysan oo aan celin karin roobabka.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: