Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Sharif Sheikh Axmed oo hortiisa lagu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaliya Mudane Sharif Sheekh Axmed ayaa maanta munasabad ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya hortiisa lagu dhaariyay Mudane Ceydiid Cabdullahi Ilka- Xanaf oo loo dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka.

Munasabaddan oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne Shariif Sh. Axmed, Ra’iisul Wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed(Farmaajo), Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Mudane Cabdullaahi Abyan Nuur, Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdikariim Xassan Jaamac iyo Xildhibaano farabadan.

Madaxweyne Sariif Sh. Axmed ayaa halkaas ka jeediyay hadal kooban uu ku sheegayin si loogu dhaqmo caddaalad ay aasaas u tahay in ay ummad walba sameystaan sharci iyo kala danbeyn.

Ugu danbeyntii R/Wasaaraha oo halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in uu Guddoomiyaha cusub uu ka bixi karo xilka loo dhiibay maddaama uu yahay sharci yaqaaan khibrad iyo waayo aragnimo dheer u leh xaaladda Soomaaliya.
SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: