Maamulka Degmada Baargaal oo Iclaamiyey in dadka deegaanka iyo Burcad badeeda xeebaha degmadaas uu dagaal ka dhaxeeyo.

Halkaan ka akhri

Waxaa beryahan ka socday Degmada Baargaal oo ka tirsan gobolka Bari dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Burcad badeeda ka ugaarato xeebaha degmadaas, hase ahaatee  warar ayaa sheegaya in saakay xaaladdu degan tahay, kaddib markii degmadaasi xalay lagu soo rogay bandow kaasi oo ka dhaqan galay guud ahaanba degmadaasi, waxaana albaabada la isugu dhuftay goobaha ganacsiga, iyadoo isu socodka dadka iyo gaadiidkana ay hakadeen.

Sidoo kale Maamulka degmada Baargaale oo bandowgaasi soo rogay, ayaa waxa uu sheegay in ujeedadiisu tahay xoojinta ammaanka degmada, kaddib markii habeen hore dagaal ku dhex maray bartamaha suuqa Degmadaasi dadka degaanka iyo kooxaha burcad badeed ee iyagu afduubka ku heysta qoyska reer Denmark, isla markaana xoog ku soo galay degmadaasi.

Mudane Axmed Gurey oo ah Guddoomiyaha Degmada Baargaal ayaa sheegay in degmadaasi uu ka bilowday dagaal u dhaxeeya dadka degaanka iyo kooxaha burcad badeeda, wuxuuna sheegay in guddi ay magacaabeen oo ka hortaga burcad badeeda ay wadaan olole looga hortegayo in burcaddu aanay degmadooda fariisimo ka dhigan.

Hase yeeshee Guddoomiyaha Degmada Baargaal ayaa maamulka Puntland ka codsaday in  gacan lagu siiyo sidii ay degaanadooda uga sifeyn lahaayeen kooxaha burcad badeeda ah, isagoona sheegay in dadka degaanka ay diyaar u yihiin sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen dhibaatooyinka uga imaanaya kooxaha burcad badeeda ah oo degaanka ku soo kordhiyay dhaqamo cusub iyo dhibaatooyin kale oo fara badan.

SomaliSwiss      Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: