Golaha wasiirada xukuumadda KMG Soomaaliya oo gudoomiye cusub maxkamada sare u magacaabay Ceydiid Ilka Xanaf.

Halkaan ka akhri

Shir ay albaabada u xiran yihiin oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirada xukuumadda KMG ayaa waxaa lagu magacaabay gudoomiye cusub oo ay yeelato Maxkamada sare.

Gudoomiyaha cusub ee maxkamada sare ayaa waxaa loo magacaabay Abukaato Ceydiid Ilka Xanaf, iyadoo golaha wasiirada ay isku raaceen arrintan.

Sida uu sheegay C/raxmaan Yariisow oo ah la taliyaha dhanka warbaahinta ee Ra’isal wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya, waxaa sidoo kale la magacaabay gudiyo shan ah oo ka shaqeeya dardar galinta howlaha muhiimka iyo in si haboon looga gudbo marxalada kala guurka ah.

Shirka golaha wasiirada waxaa uu ahaa mid ka duwan kuwii hore, waxaana si gaar ah loogu eegayay marxalada hada lagu jiro ee dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: