Gacan ku heynta degmada Dhoobley oo ay la wareegeen ciidamada dowladda & kuwa Raaskambooni.

Halkaan ka akhri

Dagaalo culus oo maanta ka qarxay Degmada Dhoobley ee ku dhow xuduuda Kenya ayaa waxaa gacan ku heynta degmadaas la wareegay Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Raaskambooni.

Sidoo kale wararka dagaalka ayaa sheegaya in maanta dagaalka uu ahaa mid culus oo aan waxba la islula harin, waxaana markii hore uu ku bilowday madaafiic duqeyn ah, kadibna dagaal dhanka lugta ay dhowr jiho kaga qaadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooni.

Warku wuxuu intaa ku daraya in Ciidamada Shabaab dagaalka uga baxeen dhanka wada Qooqaani iyo Banka-Jiira, waxaana lagu soo warramayaa in xaalada degmada ay tahay mid aan degganeyn.

Dhanka kale waxaa la sheegay in dagaalka uu socday muddo afar saacadood oo xiriir ah, waxaana Afhayeen u hadlay Ciidamada Dowladda oo la yiraahdo G/lle Muxumed Faarax Dahir uu sheegay in degmada ay dhowr jiho ka soo weerareen, sidaasna ay kula wareegeen maanta.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalada ay ka qeyb qaadanayeen Diyaaradaha qumaatiga u kaco (Helicopter) ah iyo Taangiyo la rumeysan yahay inay Ciidamada Kenya ku taageerayaan kuwa Dowladda oo maalmihii u dambeeyay ku fashilmay inay qabsadaan degmada Dhoobley.

Waxaa kaloo dagaalka ka hadlay Afhayeenka Ururka Raaskambooni oo la yiraahdo Cabdi Kaafi Faarax ayaa sheegay in dagaalka ay ka wada qeyb qaateen Ciidamada Raaskiyambooni iyo Ciidamada Dowladda, isla markaana ay dhowr jiho ka weerareen Maleeshiyoonka Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale Afhayeenka Ururka Raaskambooni ayaa sheegay in degmada ay ku qabsadeen hub fudud dagaalka, halka tiro uusan cadeyn oo dagaalyahano Shabaab dagaalka uga dileen, inkastoo aanu sheegin khasaare dhankiisa ka soo gaaray.
Dhaawacyada ilaa 14-ruux oo labada dhinac ee dagaalka ku qaaday Dhoobley ayaa loo qaaday dhanka Liboyo Kenya, oo ah meelihii ay ka duulaan tageen Ciidamada Dowladda oo dhinaca Kenya ah.

Sida la wada ogsoon yahay Xarakada Al-Shabaab ayaa la wareegay degmada Dhoobley sanadkii 2009-kii Bishii October, kadib markii dagaal uga saareen Ciidamadii Axmed Madoobe, waxaana tan iyo mudadaas soconayay abaabul ciidan ay Kenya ku lug laheyd, kaas oo qorshihiisa ahaa deegaanada Jubooyinka, waxaana qorshahaas hada u muuqdaa mid bilow ah.

Si kasta ha ahaatee degmada Dhoobley ayaa ah degmo Istiraatiijiyad dagaal iyo mid dhaqaale u leh deegaanada Jubooyinka, hadba ciddii ku guuleysato gacan ku heynta degmadaas oo ay muhiimad gaar ah u tahay dhanka Kismaayo oo cida heysata ay u fududahay inay kaga duulaan qaado.

SomaliSwiss   Dhoobley

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: