Diyaaradaha dagaalka Dowladda Kenya oo la sheegay inay dul heehaabayaan hawada degmada Dhooblay.

Halkaan ka akhri

War aannu ka helnay degmada Garisa ee dalka kenya ayaa sheegaya in Diyaaradaha dagaalka Dowladda Kenya ay maanta dul heehaabaya Degmada Dhooblay, diyaaradahaas ayaa laga soo warramayaa inay ka qayb yihiin Ciidamada Kenya oo faraha  badan oo la soo dhigay Xuduuda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Xaaladda degmada Dhoobley oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose una dhow xuduuda dalalka Soomaaliya ay la leedahay dalka Kenya ayaa xaaladeedu aad u kacsan tahay, kaddib hawada degmadaasi iyo xuduuda labada lagu arkay diyaaradaha dagaalka iyo ciidamada Dowladda Kenya oo soo buuxiyay xadka ay leeyihiin dalka Soomaaliya, iyadoo dhinaca xadka Kenyana ay ka soo gudbeen cutubyo ka tirsan ciidamada Dowladda KMG ah ee dalkaasi lagu soo tababaray.

Sidoo kale waxaa la sheegaya in degmada Dhoobley oo shalay ay dib u qabsadeen ciidamada xarakada Al-Shabaab ay haawaneyso isla markaana ay dib uga baxeen, waxayna wararku intaasi ku darayaan in ciidamada Dowladda iyo kuwa xarakada Al-Shabaab ay fariisimo ka sameysteen magaalada labadeeda dhinac.

Dhanka kale Ciidamada Milateriga iyo Komandoska Dowladda Kenya ayaa fariisimo cusub iyo aagag hor leh ka sameystay xuduuda dhinaca Kenya kuwaasi oo iyagu isu jira masaafooyin isu muuqda isuna jira dhowr tallaabo, waxaana hawada xuduuda iyo degmada Dhoobley dul heehaabayay diyaaradaha Helikobtarada nooca ciidamada, kuwaasi oo iyagu ku socday joog hoose, inkasta oo aanay jirin wax shaqaaqo ah oo halkaasi ka dhacay.

Dadka deegaanka degmada Dhoobley oo diida in magaciisa la sheego,  kuna sugan xuduuda dalka Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in degmadaasi laga cabsi dagaallo u dhaxeeya dowladda iyo Al-Shabaab inay halkaasi ka dhacaan, wuxuuna sheegay in degmada ay ka barakaceen dhammaanba dadkii halkaasi degenaa.

Si kasta ha ahaatee Dhaqdhaqaaqyada ciidamada Dowladda Kenya ay ka wadaan xuduuda ay la wadaagaan dalka Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaya kaddib markii Madaxweynaha dalkaasi Mwai Kibaki uu sheegay in xaaladda Soomaaliya ay ka sii dareyso isla markaana kooxaha argagixisada iyo burcad badeeda ay dalka geliyeen dagaallo iyo burbur xoog leh, wuxuuna caddeeyey in dowladiisu ka qeyb qaadaneyso dagaalka looga horjeedo kooxahaasi khatarta ku haya amniga iyo degenaanshaha dalka Soomaaliya oo ay deriska yihiin.

SomaliSwiss      Garisa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: