Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Waxaa saakay ku dagaalamay qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya Ciidamada Nabad ilaalina ee AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab.

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyo isku dhinac ah iyo Xarakdaa Al Shabaab ayaa waxay saakay aroorinimadii hore ay ka dhaceen qeybo ka mid ah degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo xafaado ka mid ah degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Sida la shee dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku yaala degmooyinkaas, waxaana halkaasi ka dhashay dagaal culus oo ay barbar socdeen Madaafiic xoogan oo ay is weedaarsanayeen labada dhinac.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dagaalkaas ay ku dhinteen inta la’ogyahay 5-qof oo rayid ah waxaana ku dhaawacantay intaas in la mid ah, kuwasi oo ay haleeshay Madaafiicdii iyo raasaastii ay isweydaarsanayeen labada dhinac ee dagaalka ka dhexeeyey, hase ahaatee dadka waxyeelada soo gaartay ay ku sugnaa xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag inkastoo aan la’ogayn khasaaraha soo kala garay dhinacyadii saakay ku dagaalamay Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ilaa haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dagaaladaasi iyo khasaaraha soo kala gaaray,

Hase yeeshee sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan degmooyinkii lagu dagaalamay in xaaladda goobihii lagu dagaalamay ay iminka laga dareemayaa deganaansho aan wanaagsaneen.

Si kasta ha ahaatee magaalada Muqdisho ayaa waxay joogto u noqotay dagaalada iyo duqeymaha u dhaxeeya dowladda KMG oo taageero ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Shabaab, iyadoo dagaaladaasi khasaaro lixaad leh ay ka soo gaaraan dadka maatida ah ee ku sugan xaafadaha maagalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: