Taliska ciidamada AMISOM oo soo dhaweyey go’aankii waqti kororsiga ahaa ee ay qaateen golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Taliska ciidamada Midawga Africa ee Soomaaliya ka hawl gala ee AMISOM ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go’aankii waqti kororsiga ahaa ee ay dhawaantan qaateen golaha wasiiradda xukuumadda KMG Soomaaliya.

Gen. Nathan Mugisha oo ah Taliyaha ciidamada Midawga Africa ee AMISOM ayaa sheegay in talada go’aankaas ay tahay xalka kaliya ee wax looga qaban karo dhibaatadda Soomaaliya ka jirta.

Wargeyska The Sunday Times ayaa lagu soo qoray wareysi uu siiyey taliyaha ciidamada AMISOM Gen. Nathan Mugisha wuxuuna yiri: “Xal u helida Soomaaliya waa ay adag tahay, balse waxaan u argnaa arrinta golaha wasiiradu qaatay mid xal u ah arrinta Soomaaliya mana muuqato wax kale oo la qaato”.

Sidoo kale Gen. Nathan Mugisha wuxuu sheegay in dawlada KMG Soomaliya ay u baahan tahay waqti dheeraad ah oo ay xaaladda Soomaaliya wax kaga qabato, wuxuuna xusay in xilligaan aysan munaasib aheyn in hakad la galiyo hawlaha nabad u raadinta Soomaaliya ee hadda bilaw fiican ku socota, wuxuuna intaa ku daray in AMISOM aysan kaligeed hawlahaan qaban Karin iyadoon aysan la socon dawladda Soomaaliya.

Gen. Nathan Mugisha oo hadlkiisa sii wato wuxuu caddeeyey in Dawladda KMG ee Soomaaliya ay haatan wado hawl wanaagsan, hase ahaatee waxay wajahaysaa caqabado siyaasadeed kuwa amni iyo kuwa dhaqaale oo ay qasab tahay in wax lagala qabto, ayuu wareysigiisa ku sheegay taliyaha Ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

Hase yeeshee taliyuhu wuxuu sheegay in hawl galada ay ciidamada Soomaaliya ka wadaan ay ku wiiqeen awooda Xarakadda Al-Shabab, wuxuuna tilmaamay in Al-Shabab ay haatan dadaalo ka wadaan gobolada dalka inkastoo aagag badan dagaal uga furan yahay.

Sida la wada ogsoon yahay dawladda KMG Soomaaliya ayaa dhawaan waqtigeeda ku kororsatay muddo hal sano ah, hase yeeshee R/wasaare Max’ed C/llahi Max’ed “Farmaajo” wuxuu sheegay in Xukuumaddiisu ay u baahan tahay waqti kale oo ay amaanka wadanka wax uga qabtaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: