Sh. Xasan Daahir oo qiray in xarakada Al-Shabaab ay ku jabtay dagaalada ka socda Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Sheikh Xasan Daahir ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xarakada Al-Shabaab ay ku jabtay Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdish.

Sidoo kale Hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam Sheikh Xasan Daahir oo ka hadlayey dagaaladii ugu dambeeyay ee dhex maray Ciidamada Dowladda oo garabsanaya AMISOM iyo xarakada Al-Shabaab kana dhacay magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, marka laga reebo degmada Luuq oo ay ka qeyb qaateen dagaalada ka dhacay taangiyada ciidamada Itoobiya waa sida uu sheegay.

Dhanka kale Sheikh Xasan Daahir wuxuu sheegay inay weli jirto cududii Al-Shabaab oo ay dagaalada ku sii wadi kareyso, hase yeeshee isagoo ka hadlayay dagaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamada Dowladda oo garab ka helaya AMISOM iyo xarakada Al-Shabaab waxa uu sheegay in dagaaladaasi ay ku jabeen Al-Shabaab, wuxuuna tusaale ahaan u soo qaatay awooda labada dhinac oo uu sheegay in dhinaca Dowladda ka badan tahay dhinac kasta sida hubka iyo ciidamada.

Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu qiray in Muqdisho looga awood badan yahay xarakada Al-shabaab, balse wuxuu caddeeyey in xarakada Al-Shabaab ay Muqdisho ka wadaan dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ilaa iyo inta ay ka guuleysanayaan.

Hase yeeshee Sheikh Xasan Daahir Aweys waxa uu sheegay in cidiyaha lagu dagaalamayo, sidoo kalena ay dagaalada ka qeyb qaadan doonaan dadka birima geydada ah, isagoo dhinaca kale wax laga weydiiyey shirka QM ay qabanqaabineyso Soomaalidu inuu ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu si cad u diiday.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: