Liiska Wasiirada Cusub ee lagu kordhiyay Xukuumadda Ra’isal Wasaare Farmaajo.

HOOS KA FIIRI SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Raisal wasaaraha dawladda KMG Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xukuumaddiisa ku siyaadiyay liis cusub oo u badan wasiiru dawlayaal kuwaas oo ka mid noqon doona Golaha Xukuumaddiisa. Magacaabista Wasiiru Dawlayaashan ayaa kusoo aaday maalmo ka dib markii ay xukuumaddu kororsatay Hal sano oo dheeriya, iyadoo todobaadyadii tegay aad loo hadal hayey in 4 wasiir la casili doono, lana magacabi doono wasiiradaan cusub ayay tani biloow u tahay kor u qaadidda tirada xukuumaddii koobneyd ee uu balan qaadey Raysalwasaare Farmaajo.

  1. Mudane C/casiis Xasan Maxamed “Laftagareen”, wasiiru-dowlaha wasaaradda Warfaafinta Boostaha iyo ISgaarsiinta.
  2. Mudane Maxamed Sheekh Jaamac Negeeye, Wasiiru-Dowlaha wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
  3. Mudane Feysal Cumar Guuleed wasiiru-dowlaha wasaaradda Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska.
  4. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru-Dowlaha wasaaradda Tamarta, Batroolka, Macdanta iyo Biyaha.
  5. Mudane Daa’uud C/kariim Xaaji Cumar, wasiiru-Dowlaha wasaaradda Shaqada, arrimaha Bulshada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
  6. Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru-Dowlaha xiriirka arrimaha Baarlamaanka.
  7. Mudane C/rashiid Maxamed “Xidig”, wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga.
  8. Mudane Axmed Xuseen Xasan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
  9. Marwo Saciido Xasan Cusmaan, wasiir ku xigeenka wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.
  10. Mudane Cali Sheekh C/llaahi Afgooye, wasiir ku xigeenkaWasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
  11. Mudane Saciid Maxamed Jimcaale, wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: