Ergeyga QM. ee Soomaaliya oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in bishan 12-13-keeda uu Nairobi ka dhici doono shirka wada tashiga Soomaalida.

Halkaan ka akhri

Ergeyga Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa ku dhawaaqay in bisha April 12-13 uu Magaalada Nairobi ka dhici doono shirka wada tashiga ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kadib markii maalinimadii arbacadii warqad casuumaad uu gaarsiiyay Madaxda ugu sareysa Dowladda KMG.

Sidoo kale Augustine Mahiga ayaa sheegay in shirkaas ujeedkiisa yahay sidii Hey’adaha Dowladda u wada shaqeyn lahaayeen, isla markaana Maamul goboleedyada dalka ay isku fahmi lahaayeen.

Hase yeeshee Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa khamiistii diiday inay ka qeyb galaan kulankaas, iyagoo ku tilmaamay mid caqabad ku ah dhameystirka waajibaadka Xukuumada ee arrimaha Ammaanka.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan casuumaadaas, isla markaana uu u gudbin doono Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya.

Inkastoo Augustine Mahiga uu sheegay in kulankaas aanu aheyn mid dib u heshiisiin, balse ujeedkiisa tahay sidii wada tashi ay u wada yeelan lahaayeen Hey’adaha Dowladda KMG.

Waxaa kaloo arrinta shirkan si caddaan ah diidmo uga hortimid Dowladda Jabuuti waxayna shirkaas ay ku tilmaamay mid caqabad ku ah shirkii Dib u heshiisiinta Jabuuti ee sanadkii 2009-kii.

Si kasta ha ahaatee aragtiyada iyo fikradaha ka soo baxeya kulankan ayaa ah mid shaki ku jiro, waxayna Qaramada Midoobey ay iska dhaga tireyso baaqyada Dowladda KMG oo ay ku dalbaneyso in la dhowro xilliga kala guurka iyo in Dowladda howsheeda loo daayo.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: