Madaxwaynaha dalka Kenya oo walaac ka muujiyay xaalaada Muragsan ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Madaxwaynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu ay si aad ah uga walaacsan tahay xaalada muragsan ee jirta dalka soomaaliya.

Sidoo kale Madaxwayne Kibaki wuxuu sheegay in xasilooni darida ka jirta soomaaaliya aysan qatar ku ahayn nabada iyo xasiloonida gobolka oo kaliya balse ay qatar ku hayso guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha dalka Kenya Mwoi Kibaki ayaa wuxuu dareen ka muujiyey xaaladda xerooyiinka ay ku jiraan qaxooti soomaali ah ee ku yaala Gobollada Bariga dalka kenya oo ay tiradooda gaarayso 500 oo kun oo qof tiradaasi maalinba maalinta ka danbaysa ay sii kordhayso, taasi oo ay ugu wacan tahay dagaalada ka soo cusboonaaday dalka soomaaliya.

Hadalkan ayuu Madaxweynaha Kenya ka jeediyay mar uu kulan la qaadanayay xog-hayaha guud ee Q.M Ban kii Moon oo ka qeyb galaya kulan ay leedahay Q.M oo ka furmay Nairobi.

Dhanka kale Kibaki ayaa tilmaamay in dadaal dheer oo dowlada kenya iyo urur goboleedka IGAD ay sameeyeen uu noqday mid mira dhal ah, gaar ahaan dadaaladii ay u galeen dowladda Sudan ee ku aadanaa fulinta heshiiskii u dhexeeyay konfurta iyo waqooyiga.

Si kasta ha ahaatee Xoghayaha guud ee QM Ban kii muun ayaa wuxuu sheegay in kenya ay tahay goob muhim u ah howlaha Q.M ee gobolka iyo guud ahaan caalamka.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: