Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo walaac ka muujiyey shir loogu magacdaray wada tashiga Soomaalida oo ay QM. qabaneyso..

Halkaan ka akhri

Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa waxay walaac ka muujiyeen shir wada tashi ah oo ay qaban qaabinayso Qaramada Midoobey, kaasi oo la filayo inuu ka dhaco magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya.

Sidoo kale Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka hadlay shirka ay qaban qaabinayso Qaramada Midoobey kaasi oo lagu wado inuu ka furmo wadanka Kenya, wuxuuna sheegay in shirkaasi uu yahay mid qiyaano ah, hase ahaatee wuxuu ugu baaqay dhinacyada Soomaalida in aysan ka qeyb galin shirkaasi.

Dhanka kale Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye wuxuu amaan u jeediyey Baarlamanka KMG ee Soomaaliya sida ay uga horyimaadeen in aysan ka qeyb galin shir dalka dibadiisa lagu qabto, iyagoona ku adkeystay in shir kasta oo Soomaali loo qabanayo dalka gudahiisa lagu qabto.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo arrintaas ka hadlayo wuxuu yiri: “Shirka la  qaban-qaabinayo ee la doonayo inuu ka dhaco Kenya waa mid hagar daamo ah iyo lug-gooyo, wax dan ahna uma ahan ummadda Soomaaliyeed”.

Si kasta ha ahaatee hadalka ka soo yeeray afhayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan golaha Baarlamanka iyo Xukuumadda KMG ee Soomaaliya ay labada soo saareen go,aamo ay ku diidan yihiin in shirka lagu tilmaamay wada tashiga  Soomaalida lagu qabto dalka gudahiisa,waxayna si cad uga soo horjeesteen shirar lagu qabanaayo dalka dibadiisa.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: