Afhayeenka Boliiska dalka Mozambique oo sheegay in 7 qof Tahriibayaal Soomaali ah ay ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay deegaanka Guro ee dalkaas.

Halkaan ka akhri

Afhayeenka Boliiska ee Xukuumadda Mozambique ayaa sheegay in 7 qof tahriibayaal Soomaali ah ay ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay deegaanka Guro ee bartamaha gobolka Manica, kuwaasoo doonayay in ay gaaraan dalka Zembabwe, kadibna ugu sii gudbaan dalka South Africa.

Sidoo kale Ciinaka Boliiska dalkaas ayaa  waxay sheegeen in 7-da qof ee Soomaalida ah ee geeriyootay iyagoo ka baxsaday xero qaxooti (Refugee Center) oo ku taala Waqooyiga Nambula oo u dhow xadka Mozambique iyo Zimbabwe, iyagoo xilligaasi ku socday deegaanka lagu magacaaba Cuchamano ee ku yaala gobolka Xuduud ah ee Tate.

Geerida dadkan Soomaalida ah ayaa ka dambeesay kadib markii uu qarxay Tayerka lugta hore ee gariga ay saarnayeen oo si xawli ah ku socday sidaasi waxaa sheegay Afhayeenka ciidanka Boliiska ee magaalada Manica Belmiro Mutadiua.

sida uu sheegay Afhayeenka waxaa jiray dad kale oo la socday gaarigaas oo ka badbaaday shilka oo lagu daweynayo isbitaal ku yaala deegaanka Guro, kadibna waxaa lagu wado in dib loogu celiyo xerada ay kas oo baxsadeen ee ku taala Maratane.

Dhanka kale Ciidamada Boliiska ee Mozambique ayaa sheegay in inta badan Soomaalida iyo Ethiopia ay si sharci darro ah ku soo galaan dalka Mozambique kadibna ay ugu soo gudbaan Zimbabwe iyagoo doonayainay taagaan dalka South Africa oo ay ka raadinayaan nolol dhaanta tan dalalkii ay ka soo haajireen.

SomaliSwiss   Manica

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: