TACSI TIIRAANYA LEH, TACSI TIIRAANYA LEH.

Halkaan ka akhri

TACSI TIIRAANYA LEH, TACSI TIIRAANYA LEH.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Jaaliyadaha Beelaha Gugundhabe ee ku nool waddanka Switzerland waxay tacsi tiiraanyo leh u diraynaan dhamaan beel-weynta Gugundhabe meel kasta oo ay ka joogaan dunida, gaar ahaan beesha Gaaljecel iyo Qoyskii iyo Eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Cabdullaahi Macalin  Max‘uud( Faax) oo bisha Maarso markay ahayd 28/03/ 2011ka ku geeriyootay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, isla magaaladaasna lagu Aasay Marxuum Cabdullaahi Macalin.

Sidoo kale  Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahanada, Guddiga jaaliyadda Beelaha Gugundhabe ee ku dhaqan dalka Switzerland, waxay si gaar ah tacsi taas la mid ah u dirayaan C/raxmaan Macallin oo ay Walaale yihiin marxum Cabdullaahi macalin oo ku geeriyooday Nairobi,

Marxuum, Cabdullaahi Macalin  Max‘uud( Faax) Alle ha u naxariistee, waxaa jaaliyadda Gugundhabe ilaahey uga baryayaan inuu jannadiis ka waraabiyo, Eheladii uu ka baxday iyo annaguba samir iyo iiman Alle ha naga wada siiyo dhammaanteen, Gadaashiisana Ilaahay nama fidneeyo  Aamiin Aamiin Aamiin.

Waxaa Tacsiyadan qoray Guddiga Jaaliyadda Beelaha Gugundhabe ee Waddanka Switzerland:-

1 – Axmed cabdulle Dheen

2 – Aadan Ibraahim Maxamed

3 – Axmed Xuseen Barow

4 – Dr. Axmed Dhicisow Daauud

5 – Maxamed Xasan Ceelqode

6 – Max’uud Max’ed Baandow

7 – C/raxmaan Max’ed X. Cali

%d bloggers like this: