Ra’isal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga dowladda Ingiriiska

Halkaan ka akhri

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Moxamed Farmaajo ayaa waxaa maanta xafiiskiisa ku soo qaabilay Ergeyga Dowladda Ingiriiska, Matt Baugh.

Sidoo kale Ra’iisul-wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Ergeyga Dowladda Ingiriiska booqashadiisa iyo imaatinkiisa caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ra’iisul-Wasaaraha waxuu Dowladda Ingiriiska uga mahadceliyey kaalmada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka gar-gaarka bani’aadanimo.

Dhanka kale Ra’iisul-wasaaraha waxuu ku ammaanay dowladda Ingiriiska sida ay arrimaha Soomaaliya ugu soo jeesteen oo ay markhaati ka tahay in shirkii 10-ka Maarso ka dhacay golaha Ammaanka ee UN-ka in dowladda Ingiriiska ay u soo dirtay shirkaas Wasiirkooda Arrimaha Afrika.

Hase yeeshee Ergeyga Dowladda Ingiriiska ayaa sheegay inuu ku  faraxsan yahay inuu booqashada uu ku yimid Caasamadda Soomaaliya, waana markii ugu horreysay ee uu cagta soo dhiga magaalada Muqdisho, kuna soo booqdo Ra’iisul-wasaaraha xafiiskiisa.

Ergeyga ayaa waxaa kaloo uu warbixin ka siiyey Ra’iisul-Wasaaraha socdaalkii uu ku tagay  Maamul G/Puntland.

Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa ka codsaday Ergeyga dowladda Ingiriiska in dowladdiisu ay ku dadaasho sidii Dowladda Soomaaliya looga kaalmeyn lahaa arrimo dib u heshiisiinta si loo soo celiyo amniga iyo dowlad wanaaga.

Ra’iisul-wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warbixin kooban ka siiyey Ergeyga Dowladda Ingiriiska, dadaalada socda iyo go’aankii 27-kii Maarso ay golaha wasiiradu ku gaareen in doorashooyinka madaxda qaranka dib loo dhigo muddo 12 bilood ah si aan hakad u gelin horumarka la taaban karo ee dhanka amniga, dhaqaalaha iyo maamul wanaaga.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Ergeyga Ingiriiska waxay isla garteen in loo baahan yahay in caalamka iyo Dowladda Soomaaliya ay sii wadaan wadahadalkooda iyo la tashiyadooda ku aadan sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka ah, waxayna isla garteen in loo baahan yahay sidii gar-gaar bani’aadanimo loola soo gaari lahaa shacabka soomaaliyeed.

SomaliSwiss   Muqdisho.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: