Maxakamadda sare ee dowladda KMG Soomaaliya oo ka dalbatay Madaxa sare ee dowladda in ay dhowraan sharciga si loo helo cadaalad.

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dowladda KMG Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Madaxda Sare ee dowladda KMG loooga baahan yahay inay dhowraan sharciga si loo helo cadaalad.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in wax waliba ay ku dhisanyihiin cadaalad iyo kala dambeyn, waxaana uu ka codsaday golayaasha dowladda inay ku garabsiiyaan sidii loo ilaalin lahaa sharciga iyo cadaaladda dalka.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay inay wadaan qorshayaal dib loogu habaynayo nidaamka garsoorka, waxaaana uu intaasi ku daray inay wax badan ka qabanayaan waxqabad la’aanta muddada ka jirta dalka Soomaaliya.

Hadalka gudoomiyaha Maxkamadda sare ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo qilaaf baahsan oo u dhaxeeyay Madaxda dowladda KMG Soomaailya, waxaana aan la’ogayn qaabka ay u qabalyaan hadalkaan Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

SomaliSwiss   Muqdisho.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: