Madaxweyne C/qaadir Jiraabey iyo Gudoomiyaha Baarlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan oo Muqdisho ku kulmay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowlad gobleedka Hiiraan & Midland Enj. C/Qaadir  Aadan Jiraabeey oo socdaal howleed ku jooga magaalada Muqdisho isla markaana maalmahaan kulamo kala duwan ay wada yeelanayeen madax ka tirsan dowladda KMG  ah ayaa Muqdisho  kulan kula qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynaha Dowlad Gobleedka Hiiraan & Midland Enj. C/Qaadir  Jiraabeey oo socdaal howleed ku jooga magaalada Muqdisho isla markaana maalmahaan kulamo kala duwan ay wada yeelanayeen madax ka tirsan Dowladda KMG  ayaa Muqdisho  kulan kula qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulanka Gudoomiyaha iyo Madaxweynaha ayaa ku saabsanaa guud ahaan, iskaashiga Dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, iyadoo si gaar ah loogu falan qeeyay, sidii loo taageeri lahaa shacabka reer Hiiraan, isla markaana looga xoreyn lahaa cadaadiska ay ku hayaan Kooxda Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hore kulan midkaan oo kale ah ula qaatay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo quseeyay dalka Soomaaliya, Gaarahan Hiiraan & Midland.

HALKAAN KA FIIRI AMA KA AKHRI KULANKII LABADA MADAXWEYNE SHEIKH SHRIIF IYO ENG. JIRAABEY

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: