Madaxweynaha dowladda KMG Soomaliya oo maanta Xafiiskiisa ku dhaariyey Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaliya Mudane Sheikh Sharif. Sh. Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku dhaariyay Talliyaha Xooga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cabdulqaadir Sheikh Cali Diini iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Dr. Shariif Sheekhuna Maye.

Waxaa Madaxweyne Sheikh Shariif Sh. Axmed ku weheliyey munaasabadda dhaarinta Raisul Wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Raisul Wasaare ku- xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga, Mudane  Cabdi Xakiin Xaaji Fiqi Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdi Maxamed Abtidoon iyo Jen. Axmed Geeddi Jimcaale (Cirfiid) ahna Talliyihii hore ee Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Sariif Sh. Axmed ayaa u hambalyeey Taliyayaasha Cusub una sheegey in dalka uu marxalad adag ku sugan yahay lagama maarmaan ay tahay in laga saaro marxaladan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay ugu muhiimsan waqtigan Dalka Soomaaliya ay tahay xoojinta ciidamada Qalabka sida iyo horumarinta nabadgelyada.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@homail.com


%d bloggers like this: