Golaha Wasiirada Xukuumadda KMG Soomaaliya oo go’aansaday in aney ka qeyb galin shirka ka dhacaya magaalada Nairobi.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Golaha Wasiirada Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa waxay maanta Shir aan caadiga ahayn isugu yimaadeen, kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul-Wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana shirkaas looga dooday shir lagu wado inuu ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya bisha April 2011.

Sidoo kale Golaha Wasiiradu waxay soo dhoweeyey dadaalka beesha caalamka iyo ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augastin Mahiga, wuxuuna garwaaqsaday culeyska uu xilliga kala guurka ahi ku hayo ummadda Soomaaliyeed, lagama maarmaan ay tahay in aan shacbigeena ka gudbinno xilligaas.

Haddaba dood dheer iyo falanqeyn kadib, goluhu wuxuu go’aansaday in Xukuumadda federaalka KMG ah ee Soomaaliya aaney ka qeyb galin shirkaasi maadaama uu caqabad ku noqonayo horumarkii laga sameeyey dhanka sugida amniga, dhaqaalaha, siyaasada, arrimaha iyo bulshada iyo maamul wanaagaba.

Dowladda Federaalka KMG ah waxay wadaa inay wadatashi la sameynayso odayaasha, waxgaradka, culimada, siyaasiyiinta, haweenka, maamulada iyo bulshada rayidka ah si loo xalliyo tabashada shacabka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo, loogana wada shaqeeyo danta guud ee dalka, dadka iyo diintaba.

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa baarlamaanka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay taageeraan go’aankan dhaxal galka ah si looga fogaado wax kasta oo wiiqi kara midnimada iyo danaha guud ee ummadda.

Maxakamadda sare ee dowladda KMG Soomaaliya oo ka dalbatay Madaxa sare sare ee dowladda inay dhowraan sharciga si loo helo cadaalad.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dowladda KMG Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Madaxda Sare ee dowladda KMG loooga baahan yahay inay dhowraan sharciga si loo helo cadaalad.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in wax waliba ay ku dhisanyihiin cadaalad iyo kala dambeyn, waxaana uu ka codsaday golayaasha dowladda inay ku garabsiiyaan sidii loo ilaalin lahaa sharciga iyo cadaaladda dalka.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay inay wadaan qorshayaal dib loogu habaynayo nidaamka garsoorka, waxaaana uu intaasi ku daray inay wax badan ka qabanayaan waxqabad la’aanta muddada ka jirta dalka Soomaaliya.

Hadalka gudoomiyaha Maxkamadda sare ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo qilaaf baahsan oo u dhaxeeyay Madaxda dowladda KMG Soomaailya, waxaana aan la’ogayn qaabka ay u qabalyaan hadalkaan Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

SomaliSwiss   Muqdisho.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: