Xukuumadda KMG Soomaaliya oo si caddaan ah u sheegtay in aan la aqbali karin in wax ka yar laba gobol ay noqdaan maamul goboleed.

Halkaan ka akhri

Shir ay yeesheen   golaha wasiirrada Xukuumadda KMG ah shalay galab ayaa waxaa looga dooday habka Dastuurka federaalka uu qabo dhismaha dowlad goboleedyada ee dalka Soomaaliya, kaasoo ay dowladda Soomaaliya ku dhisan doonto.

Shirkan oo uu guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si weyn looga dooday dowlad-goboleedyada ku soo badanaya dalka, iyadoo wasiirradii shirkaas ka qaybgalay ay fikirado kala duwan ka dhiibteen, balse fikradahaas hal meel isugu imaadeen.

Haddaba sida uu qabo axdiga KMG ah ee Soomaaliya xukuumaddu waxay dhiira-galinaysaa hirgelinta nidaamka federaalka, balse waxay Xukuumaddu ka digaysaa in dalka Soomaaliya laga dhigo degmooyin yar-yar oo jufooyin u kala qo-qoban lana abuuro iska horimaad ka dhasha dadka walaalaha oo hadda nabadda kuwada nool, sidaas waxaa yiri Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Soomaaliya Maxamuud Maxamed Boonow oo saxaafadda la hadlay shirkaas kaddib.

Maadaama uu Dastuurka DKMG ah ku dhisan yahay nidaamka federaalka ah, waxay xukuumaddu ay soo jeedisay inay aqoonsan tahay dhammaan maamul goboleeyada dhismay, lana go’aansaday ku dhaqanka federaalka, balse ay ka digayso wax walba oo carqalad ku noqon kara.

Wasiirka dastuurka dowladda KMG Soomaaliya oo halkiisa sii wato wuxuu yiri:  “Dawlad goboleed waxaa noqon kara laba gobol iyo wixii ka badan, iyadoo la eegayo 18-ka ee ay Soomaaliya ka kooban tahay kuna yimid tilmaanta sharciga, jihaynta dawladda dhexe iyo rabitaanka dadka”.

Wasiirka ayaa sheegay inaan la aqbali karin in wax ka yar laba gobol ay noqdaan maamul goboleed, waxaana go’aankan golaha wasiirrada uu imaanayaa iyadoo ay kusoo badanayaan dalka maamul goboleedyo looga dhawaaqayo deegaanno ka mid ah kuwa Soomaaliya.

Hase yeeshee Xukuumadda waxay ugu dambeyntii uga baaqday dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan wax kasta oo midnimadooda iyo wada noolaanshahooda dhaawici kara.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: