Xarunta wargeyska Xog-ogaal ee ku yaala Suuqa Bakaaraha oo saakay Madfac ku dhacay.

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay ay dagaallo kooban ka dhaceen agagaarka wasaaraddii hore ee gaashaandhigga oo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM  ayaa haddana saakay waxaa lagu weeraray suuqa Bakaaraha ee Muqdish.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in weerarkaas ay ku dhaawacmeen ugu yaraan saddex qof, sidoo kale waxaa isla weerarka madafiicdaas qaar ka mid ah ay ku dhaceen xarunta wargeyska Xog-ogaal oo sida gaarka ah loo leeyahay, kana  mid ah wargeysyada fara ku tiriska ah ee ka soo baxa magaalada Muqdisho.

War aan sugneen ayaa sheegaya in Madaafiicdan ay ahaayeen  kuwo laga tuuray qaybaha ay dowladdu maamusho iyadoo aanay jirin magaalada Muqdisho wax dagaallo ah oo socday Saakay.

Ismaaciil Cumar Madoobe oo ka mid ah howlwadeenada Margeyskaas ayaa sheegay in Laba madfac ay ku soo dhaceen  xarunta wargeysa oo 200 – 300 talaabo u jirta Isgoyska Howlwadaag, inkastoo aanay jirin cid wax ku noqotay haddana wuxuu burbur u geystay qalabkii yaallay xarunta wargeyska sida Kumbiyuutarro iyo qalabka kale ee daabacaadda.

Mudane Ismaaciil  oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Dhammaan qalabkii aan ku shaqeynaynay way burbureen, madaafiicduna waxay ahaayeen kuwo culus“, waana markii ugu horreysay oo xarunta Wargeyska ay ku dhacaan madafiic burbur u geystay.

Si kasta ha ahaatee nolol maalmeedka  magaalada Muqdisho ayaa waxaa ah dagaalada iyo Madaafiic aan dhammaadka lahayn, kaasoo naf iyo maalba burburka weyn u geystay guud ahaan Magaalada.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: