Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain oo sheegtay in ciidamadeeda badda ay qab-qabteen koox burcad badeed Soomaali ah.

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay Wasaaradda gaashaandhiga wadanka Spain ayaa sheegaya in Ciidamadeeda badda ay qab-qabteen 11qof oo la tuhmay inay ka mid yihiin kooxaha burcad badeeda Soomaalida, kuwaas oo waqtigaas rabay inay fal afduub ah ka geystaan biyaha Jaziiradda Seychelles ee badweynta Indiya.

Sidoo kale Warkan waxaa shaaciyey Wasaaradda gaashaandhiga Spain, waxayna sheegtay in mid ka mid ah maraakiibteeda dagaalka ee biyaha Soomaaliya ku sugan ay gacanta ku dhigeen doon ay wateen 11qof oo Soomaali ah kuwaasoo la sheegay in lagu tuhunsan yahay inay burcad badeed Soomaali ah  yihiin, wuxuuna warku intaas uu darayaa in burcaddu ay isku dayayeen inay afduubtaan doon kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Seychelles waxaana Wasaaradda gaashaandhiga dawladda Spain ay sheegtay in ciidamadeedu ay bad baadiyeen doontaas kaluumaysiga ah.

Dhanka kale Wasaaraddu waxay sheegtay in doontii ay wateen burcad badeedda Soomaalida ah laga helay hub fara badan oo ay ku doonayeen inay afduub u adeegsadaan waxaana Wasaaradda gaashaandhiga Spain ay sheegtay in dhallinyara la qabtay lagu maxkamadeyn doono wadanka Spain.

Sida la wada ogsoon yahay Dawladda dalka Spain ayaa waxay ka mid tahay wadamada Yurub ee u ololeeya in wax laga qabto burcad badeeda Soomaaliyeed waxaana biyaha Soomaaliya ka jooga ku dhawaad 4 markab oo nooca dagaalka ah kuwaasoo qeyb ka ah ciidamada caalamiga ah ee la dagaalama burcad badeeda Soomaaliyeed ee ka howl gela Xeebaha Soomaaliya iyo meel ka fogba.

SomaliSwiss     Madrid

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: