Wareegto ay soo saartay Wasaradda arrimaha gudaha & amniga oo lagu xadiday askarta hubka ku dhax wadata Shacabka.

Halkaan ka akhri

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga ee xukuumadda KMG Soomaaliya oo kulan qaadatay ayaa soo saartay wareegto ay kaga hadlayso ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo shalay gelinkii danbe si wadajir ah ay u qabteen sii hayaha Xilka Taliyaha ciidanka nabad sugidda iyo af hayeenka Ciidanka Boliiska ayay ku faah faahiyeen Go’aanada iyo wareegtada ka soo baxday Xafiiska arrimha  gudaha ee xukumadda ku meel gaarka Soomaaliya.

Gen Shirbow oo ugu horeyntii halkaa ka hadlay ayaa sheegey sababaha keeney in xiligan la adkeeyo ammaanka magaalada Muqdisho isla markaana xukuumaddu u qorsheyso ciidamo sameeya Hawl galo ama Roonddo joogta ah habeen iyo maalin.

Taliyaha ayaa sheegey in wasaraddu ay amartya in la sameeyo Baro Kontorool oo fara badan isla markaana kontoroolka Ciidamada ku wareegaya magaalada la joogteeyo.

Col. Cabdullaahi  Bariise af hayeenka ciidanka Boliska oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sii faah faahiyay qaabka uu hawl galkaas noqonayo isagoona sheegey in ciidamada Roondada ku jira wax yaabaha ay bar tilmaameedsanayaan in ay ugu horeyso askarta Qorayaha sidata ee shacabka dhexdiisa iska jooga taasoo uu sheegey in askerigii lagu helo Xabsiga loo taxaabayo.

Col. Bariise ayaa hoosta ka xarriiqay in ay jirayaan Askar ka tirsan boliiska Dableyda kuwaasoo Roondo 24ka saac ah ku samaynaya Degmooyinka ay dawladdu gacanta ku hayso kuwaasoo wata Gaadiid ay ku kormeerayaan sugidda ammaanka iyo la socodka dhaq dhaqaaqa askarta hubaysan oo shacabka ku dhex jirta.

Ma aha markii u horeeyay oo la magacabo ciidamo ku roondeynaya magaalada Muqdisho isla markaana ka hor tagaya Ciidamada aan lebisneen ama lebisn oo lagu arkayo meelaha qaadka lagu Iibiyo ama baabuurta b.l,ka kuwaasoo aad arkayso askeri ku lebisan Tuutihi Ciidanka oo hadana Gaadiidka B.l. ah Kireynaya ama Lacagaha Nacamleeyasha ay qaatan dhiniciisa ka qaadanaya iyadoo aan la garan askeri dawladeed oo misana  Baaburta uun u taagan raridooda iyo lacago ka qaadashadooda.

Si kastaba wareetadan oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sida ay war saxaafadeedkooda ay ku shegen saraakiishaas ayaa waxa ay ka bilaabanaysaa isla  shalay oo ay wareegtadu soo baxday.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: